Friday, May 15, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe uu dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Jubaland. Warbaahinta Jubaland iyo mas'uuliyiin ka agdhow Madaxweyne Axmed Islaam ayaa baahiyay muqaal kooban oo dib ugu laabashadiisa magaalada Kismaayo isagoo muddo todobaadya ah...
Xukuumadda Somaliland ayaa ruqsaddii kala noqotay maxjarka lagu hubiyo caafimaadka xoolaha ee ku yaalla magaalada Berbera, kaasi oo uu leeyahay ganacsade Carbeed. Ganacsadaha, oo lagu magacaabo Abu Yaasir, ayay Somaliland ku eedaysay inuu caqabad ku noqday dhoofinta xoolaha, isla markaana uu heshiis la galay Dowladda Soomaaliya, arrintaasoo xadgudub ku ah...
Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo ka qeyb galay kulan ay Suxufiyiinta ka howlgasha Warbaahinta gudaha ay kuweydiinaayeen su'aalo furan ayaa sheegay in go'aanadii kasoo baxay shirkii ugu dambeeyay ee Madasha ay ahaayeen kuwa Masiiri ah oo aysan Shacabka lahayn inay go'aan ka gaaraan Arrimaha Siyaasadda. Ra'iisul Wasaare...
Maamulka Puntland ayaa saxaafadda ka mamnuucay inay xiriir la sameeyaan kooxda Daacish, oo ay Puntland kula dagaalamayso buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in go’aankani uu qeyb ka yahay amar guud oo lagu soo rogay guud ahaan saxaafadda Puntland. Sida uu wasiirku sheegay,...
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni, ayaa ku baaqay in xaalada magaalada Ceerigaabo lagu xaliyo si nabadgalyo ah. Deni wuxuu sheegay in magaalada Ceerigaabo ay tahay dhul ay wada degaan shacabka reer Puntland iyo reer Somaliland, kuwaas oo muddo 30 sano ah ku wada noolaa heshiis nabadeed, loona baahan yahay in...
Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ay wehliyaan xubnaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha u qaabilsan Gobolka Banaadir ayaa si wadajir ah u daahfuray qorshaha sahminta goobaha diiwaangelinta iyo codbixinta Doorashooyinka. Gudoomiye Yabooh iyo xubno ka tirsan Guddiga ayaa isla gartay in...
Waaxda dambi baarista ee Liibiya ayaa u suurtagashay in ay soo badbaadiyaan 263 muhaajiriin si sharci-darro ah ku gashay dalkaasi oo dhalasho ahaan kasoo jeeda wadamada Afrika, kuwaas oo ay sheegtay in ay gacanta ku hayeen koox wax tahriibisa, waxaana ay ku jireen xaalad bini’aadantinimo iyo caafimaad darro aad...
Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada deegaanka ayaa gabal dhacii maanta si rasmi ah ula wareegay deegaanka Jiciboow ee gobolka Hiiraan, kadib dagaal qaraar oo halkaasi ay kula galeen kooxda Al-shabaab. Dagaalo saacado badan qaatay ayaa maanta ka dhacay deegaanka Jiciboow oo kooxda Al-shabaab maalmahii lasoo dhaafay u aheyd fariisin...
Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u beeniyay wararka sheegaya in muwaadiniin Itoobiyaan ah lagu dilay magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe. War saxaafadeed kasoo baxay ciidanka Booliiska Puntland ayaa lagu sheegay in wararka lagu qoray warbaahinta ay yihiin kuwa aan sal iyo raad lahayn oo marin habaabin ah. Booliiska waxay xaqiijiyeen jiritaanka...
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa ka hadashay ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dadka ajaanibta ah, kaddib markii dadweyne caraysan ay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe ku beegsadeen dadka Itoobiyaanka ah ee sida sharci-darrada ah ku jooga Puntland. War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in shacabka Puntland...