Thursday, May 14, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Taliyaha ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe, Taliyaha ciidanka Dhulka Sahal Cabdullaahi Cumar iyo Ergeyga madaxweynaha u qaabilsan ciidanka Macawisleyda Cali Jeyte Cismaan ayaa abaabulkii ugu dambeeyay ee howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ka wada gobolka Hiiraan. Masuuliyiintaan oo maalmahii lasoo dhaafay ku sugnaa furimaha hore ee...
Maamulka Puntland ayaa qaaday tallaabooyin adag oo lagu xakameynayo khatarta ay ajaanibta sharci-darrada ahi ku hayaan amniga Puntland, kaddib markii la ogaaday in ajaanib badan ku biireen kooxda Daacish. Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo amarkan soo saartay, ayaa mamnuucday in dadka sharci la'aanta ah ay sii joogaan Puntland, kuwa imaanayana...
Mukhtaar Maxamed Shariif, 34 jir, reer Minnesota ah ayaa lagu xukumay 17 sano iyo 6 bilood oo xabsi ah, ka dib markii uu lunsaday 47 million oo dollars, lacagtaasoo loogu tala galay in lagu quudiyo carruurta Soomaaliyeed. Sida uu ku dhawaaqay ku-simaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, Lisa D. Kirkpatrick, ninkaan...
Mas'uuliyiinta maamulka Jubaland ayaa xaqiijiyay Geerida Gudoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee degmada Baled-xaawo Cabdifataax Nuur Mataan oo qarax miino oo lagula eegtay gudaha degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in shalay miino nooca dhulka lagu aaso ah ay la kacday isaga, Askar iyo masuuliyiin kale oo la socday xilli ay...
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Macalin Maxamuud ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay weerarkii saakay ka dhacay Masagawaa iyo howlgalo kale oo ka dhacay meelo ka mid ah gobolada dalka. Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ugu horeyn faahfaahin ka bixiyay weerar aroornimadii hore ee saakay kooxda Al-shabaab ku...
Ciidamada amniga ee Maamulka Puntland ayaa saakay ku toogtay magaalada Boosaaso nin ajnabi ah oo katirsan Daacish, kaas oo lagu helay isagoo miino aasayay. Falkan ayaa yimid kaddib markii shacabka ku sugnaa aaggaasi ay ka shakiyeen ninka, una gudbiyeen xogtiisa ciidamada amniga, kuwas oo si degdeg ah goobta u soo...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo aroorninadii hore ee saakay ka dhacay magaalada Masagawaa ee gobolka Galgaduud, kaasoo u dhexeeyay ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka iyo Al-shabaab. Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-shabaab weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ay ku...
Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in Xamaas iyo Israa'iil ay is dhaafsadaan qeybtii labaad ee maxaabiista ay kala haysteen labada dhinac. Todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Xamaas ay sii deysay sadax haween ah oo u dhashay Israa'iil, iyadoo Israa'iil ay dhankeeda sii deysay 90 maxbuus oo Falastiiniyiin...
Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi, ayaa ku dhawaaqay in Masar ay mar kale xaqiijisay go'aankeeda ku aaddan taageeridda ammaanka iyo xasilloonida Soomaaliya. Madaxweyne Siisii ayaa sheegay in Masar ay si firfircoon uga qayb qaadanaysa hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya. Hadalkan ayuu madaxweynaha Masar jeediyay intii uu socday wada-hadallo diiradda...
Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka, ayaa si kulul u dhaleeceysay siyaasadaha Madaxweynaha cusub ee Mareykanka, Donald Trump, oo dhowaan xafiiska la wareegay. Ilhaan Cumar ayaa ku tilmaantay tallaabooyinka uu Trump qaaday 48-kii saac ee ugu horreeyay kuwo ka tarjumaya aragti naceyb iyo dib u dhac horumarineed. War-saxaafadeed ay...