Wararka ka imaanaya furimaha dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Kooxda Daacish ayaa sheegaya in Dagaal culus uu 24kii saac ee lasoo dhaafay uu labada dhinac dhexmaray ayna ka dhasheen khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray.
Dagaalkaan oo ahaa mid ka fool ka fool ah oo dhexmaray...
Madaxweynaha Dalka Mareykanka oo Ku Hadaaqey in Falastiiniyiinta Gaza Loo Raro Maroco iyo Meelo kale
Warbixin ay soo saartay Israa’iil ayaa lagu sheegay in ay jirto soo jeedin saddex meelood la soo jeediyay in ay noqon karaan meelaha Trupm uu ka fakarayo in la geeyo Shacabka reer Falastiin ee laga barakicinaayo Gaza waxaana kamid ah Dalalka Morocco iyo Soomaaliya.
Sida lagu sheegay warbixin uu baahiyay...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo shirka aan caadiga ahayn oo madax badan oo Afrikaan ah ay iskugu tagi doonaan dalka Tanzania gaar ahaan magaalada Daru Salaam halkaas oo ay uga doodi doonaan colaada ka taagan dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.
Madaxweynaha Dalka Kenya...
Xildhibaan Gavin Williamson, oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay maalgeliso kooxaha Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen, isagoo sidoo kale ugu baaqay Mareykanka inuu Somaliland aqoonsado.
Xildhibaanka oo si weyn u taageeray go’aanka Mareykanka ee lagu xidhay hay’adda weyn ee USAID, oo Washington u qaabilsanayd arrimaha bani’aadamnimada,...
Ardayda Jaamacadda Hargeysa ayaa galabnimadii Isniintii dhigay bannaanbax rabshado watay, kaddib markii ay maqleen warar sheegaya in la kordhiyay lacagta simistarka iyo in adeegyo ay horay si bilaash ah u heli jireen lagu soo rogay lacago cusub.
Mudaharaadkan, oo saacado socday, ayaa sababay isku dhac dhexmaray ciidamada booliska iyo ardayda...
Senetar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo kamid ah Mudanayaasha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka digay in dalka uu soo wajaho khatar aan horay loo arag oo ka dhalatay Dowladda uu hogaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kadib wareysi uu siiyay Tvga maxaliga ah SMS Soomaali Tv.
Cabdi Qeybdiid...
Wararka ka imaanaya Mandheera ayaa sheegaya in Shan ka mid ah Ugaasyada deegaanka la la’yahay ka dib markii sida la sheegay ay dabley loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay ka afduubteen degmada Ceelwaaq ee gobolka Mandheera ee waqooyi bari Kenya.
Wararka ayaa sheegaya in Caaqiladaasi ay xoog...
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay amaro aan laga weecan karin oo taabanaya dadka imaanaya iyo kuwa ka safraya Soomaaliya, tallaabaani ayaa ah in ay qasab ku tahay in ay qaataan tallaallada ay ka midka yihiin kan looga hortago duumada, tallaalka dabaysha iyo tallaalka qaaxada maskaxda.
War saxaafadeed ay soo...
Dab aad u xoogan ayaa xalay qabsaday Suuqa Gobonimo, oo ah suuqa labaad ee ugu weyn Hargeysa, marka laga yimaado suuqa Waaheen oo isna gabi ahaanba gubtay laba sano ka hor, kaasi oo hada dib loo dhisay.
Ciidamada dab-damiska iyo booliiska ayaa dadaal ku bixiyay daminta dabka, sidoo kale waxa...
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa soo dhaweysay hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha dalkaas Donald Trump ee ah inuu amray duqeynta cirka ee lagu beegsaday hoggaanka sare ee Daacishta Soomaaliya.
War qoraal ah oo ay Xalay soo dhigtay barteeda X ayay ku sheegtay iney...


















