Wednesday, September 2, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa xalay kulamo deg-deg ah la qaatay saraakiisha laamaha ammaanka ee dalka, kadib Qaraxii shalay Al Shabaab ay ku weerareen xarunta degmada Wadajir. Mudane Kheyre, ayaa saraakiisha amniga u sheegay in aan loo dulqaadan karin in Al-shabaab ay helaan...
Maxkamada darrajada koowaad ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay dhageysiga dacwad loo heystay saddex eedeysane oo la sheegay in ay ka danbeeyeen dilkii wadaad caan ka ahaa magaalada Baydhabo. Dhageysiga maxkamada eedeysanayaasha oo aheyd mid furan waxaa goob joog ka ahaa dadweynaha magaalada Baydhabo, garsoorayaasha maxkamada iyo...
Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin Cabdul Casiis, ayaa wax ka beddellay qaabka dhaxalka Boqortooyada, isagoo wiilkiisa, Maxamed Bin Salmaan, ka dhigay ninka dhaxli doona boqornimada. Ninkii dhaxalka Boqortooyada lahaa, amiir Maxamed Bin Nayef, ayaa darajadaas laga xayuubiyey, waxaana laga eryey wasiirnimadii wasaaradda arrimaha gudaha. Maxamed Bin Salmaan oo 31 jir ah ayaa...
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku baaqay in xal nabadeed laga gaaro muranka dhanka xuduuda ee u dhaxeeya dalalka Eritrea iyo Jabuuti, kaddib markii ciidamo nabad ilaalin oo ka socday Jabuuti ay todobaadkii hore isaga baxeen aagga dhuleed ee muranka ka jiray. Jabuuti ayaa ku eedeysay ciidamada Eritrea inay...
Sideed nin oo ka tirsanaa maleeshiyaadka ururka Daacish (ISIS) ee ka dagaalama Buuraha CalBari ee gobolka Bari  kuwaasoo  isu soo dhiibay dowladda Puntland ayaa lagu soo bandhigay Degmadda Bosaso ee xarunta gobolka bari ee Puntland, sida uu sheegay duqa degmadda Yaasiin Mire Maxamuud. Ragan ka soo baxsaday ururka Daacish ayaa...
Qaraxan xoogan ayaa lagu soo waramayaa in Caawa uu ka dhacay Waddada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho. Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Dayniile, Korneel Fanax oo la hadlay Warbaahinta  ayaa waxuu sheegay in Qaraxa uu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa lagu soo xiray. Korneel Fanax ayaa tilmaamay in Qaraxaasi la doonayay in...
                              Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyootey qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho. Weerarka ayaa loo adeegsadey gaari bom lagu soo xirey kaas oo gudaha u galay xarunta, waxaana khasaare gaarey dhismaha xarunta degmada Wadajir. Qaar kamid ah dadkii ku sugnaa goobta ayaa warbaahinta...
Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa Isniintii lagu soo bandhigay 10 nin oo ajaaniib ah, kuwaa oo si aan sharci ahayn kaga kalluumeysanayay Xeebaha Somaliya. Raggan, ayaa waxaa la sheegay in doonidii ay la socdeen ku soo caarisay Xeebta Kudhaa, oo hoos-tagga Degmada Badhaadhe, waxaana gacanta ku soo dhigay Ciidamada Jubbaland. Sideed...
 Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ismiidaamin ah oo goor dhaw lagu qaaday  xarunta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana wararka hor dhaca ah ee soo baxaya sheegayaan in uu halkaa ka dhashay khasaare ballaaran isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Weerarkan oo loo adeegsaday gaari laga soo...
Wasiirka Amniga gudaha Abuukar Islow Ducaale Dawladda Soomaaliya ayaa shaacisay howlgal laga sameeyey qeybo kamid ah Suuqa weyn ee Bakaaraha in lagu soo qabtay Madaxii Amniyaadka Ururka Alshabaab ee gobolka Benaadir Cabdiahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun) , waxana howgalkan uu dhacay maanta oo Isniin ah. Wasiirka Amniga...