Maamulka Puntland ayaa digniin ka bixisay isku-day ay sheegtay in Somaliland ay ku doonayso inay shidaal uga baarto deegaanka Holhol oo ka tirsan gobolka Sool.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Axmed Karaash ayaa sheegay hadalkan isagoo dalka Maraykanka ku sugan, wuxuuna xusay in Somaliland ay qaadan doonto cawaaqib-xumada ka dhalata haddii...
Sarkaal ka tirsanaa hay'adda nabadsugida Qaranka oo lagu magacaabi jiray Maxamed C/llaahi ayaa lagu dilay maanta walxaha qarxa oo loogu xiray gaarigiisa, iyadoo gaariga uu kula qarxay agagaarka isgoyska dabka ee wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.
Gaarigan oo noociisu ahaa Toyoto Carrib ayaa qarxay mar qura, iyadoo markiiba ay...
Shacabka Rwanda ayaa Toddobaadka soo socda u codeyn doona isbedelka lagu sameeyay dastuurka waddankaas, kaasoo madaxweyne, Paul Kagame u ogolaanaya inuu mar saddexaad u tartamo hoggaanka Rwanda, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Kigali.
Isbedelka lagu sameeyay dastuurka Rwanda ayaa wuxuu fursad u siinayaa mar kale inuu xilka hoggaanka...
Waxaa Muqdisho lagu qabtay maanta munaasabad xarigga looga jawarayay dhismaha cusub ee wasaaradda batroolka iyo macdanta Somalia, taasoo ku taalla bartamaha magaalada Muqdisho, iyadoo wasaaraddu kula soo wareegtay xog-ururin oo la xiriirta baarista shidaal oo ay horay u sameysay shirkada Soma Oil & Gas.
Xaruntan cusub ee wasaarada batoolka ayaa...
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho ka furay kulan laba maalmood socon doona oo ku saabsan xoojinta waxqabadka hay’adaha iyo hufnaanta maaliyadeed ee dalka.
Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo muhiimadda ay leedahay in si hufan loo dhiso hay’adaha, isla xisaabtanna...
Maxkamad hoost-tagta Xarakada Al-shabaab oo ku taalla dulleedka Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay ayaa maanta xukun karbaash ah ku fulisay nin ay sheegeen in lagu soo eedeeyay inuu kufsaday gabar dhallinyaro ah.
Ninka xukunka lagu fuliyay oo lagu magaacabaa, Xasan Macallin Madeey ayaa la sheegay inuu kufsaday gabar dhallinyaro ah oo magaceeda...
Dowladaha Kenya iyo Biritain ayaa kala Saxiixday maanta heshiis ay Britain ku Tababbarayso millateriga Kenya, iyadoo heshiiskan cusub uu soconayo muddo shan sannadood ah.
Qaar ka mid ah saraakiisha Kenya ayaa sheegay in si taxaddar leh ay u soo dhaweynayaan heshiiskan ay la galeen dowladda UK ee lagu xoojinayo tababarrada la...
Hay’ada Nabad-sugida Qaranka Somalia ayaa lagu soo wareejiyay maanta dagaal-yahankii Mareykanka ahaa ee dhawaan Al-shabaab kasoo baxsaday, iyadoo arrintan uu ka hadlay wasiirka gaashaandhigga Somalia, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini.
Dagaalayahankan oo Mareykan Madow ah ayaa lagu magacaabaa, Abdimalik Jones isagoo isku dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Baraawe...
Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Sh. Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in maamulka Puntland looga baahan yahay inay aqoonsadaan maamulka Galmudug, isagoo sidoo kale maamulka Galmudug ay iyaguna ix-tiraamto Puntland maadaama uu yahay maamul iyaga ka horreeyay dhanka dhismaha.
Sheekh Axmed Madoobe ayaa hadalka ka jeediyay kaddib heshiiskii colaadihii nabadeed ee...
Shirkii todobaad ee madasha wada-tashiga Somalia iyo dalalka iyo hay’adaha caawiya Somalia ee HPLF ayaa lagu soo Gunaanaday Muqdisho gellinkii dambe ee maanta.
Kulanka ayaa waxaa ka qayb-galay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Hoggaamiyeyaasha Jubbaland, Puntland, Koonfur-galbeed iyo Galmudug, wakiillo ka kala socday gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, mas'uuliyiin ka...