Magaalo Xeebeedda Boosaaso oo lagu Dilley Taliye xigeenkii Saldhiga Bartamaha Bosaso.

0
638

 

Rag hubeysan ayaa goor dhaw toogasho ku dilay taliye ku-xigeenkii saldhiga bartamaha Boosaaso sida ay kusoo warramayaan dad ku sugan Magaalada Boosaaso,raggaas oo aan weli si dhab ah loo aqoon Heybtooda.

Toogashada taliye ku-xigeenka aya ka dhacday dhabarka danbe ee isbitaalka magaalada Boosaaso, iyadoo raggii dalka geystayna goobta ka baxsadeen.

Lama oga ilaa iyo hadda cida geystay dilka taliye ku-xigeenka, balse warar hoose oo baxaya ayaa sheegaya in dilkan uu salka ku hayo arimo la xiriira Aano Qabiil kaddib marki dhawaan rag hubeysan ku toogteen magaalada Boosaaso guddoomiye ku-xigeenkii hore ee degmada.

warsom2011@gmail.com