Madaxda Isbaheysiga Xisbiyada, Gudiga Doorashooyinka Madaxa banaan oo ka Hadley Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya.

0
450

Gudiga Doorashooyika Madaxa banaan,Madaxda Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galey kulanka Aqalka sare ee Barlamaanka Soomaaliya Kuwaasoo ka hor hadley xildhibaanada Aqalka sare,iyagoo sheegey arrimo kala duwan oo la xiriira sida dalku ugu socdo Doorasho Qof iyo cod ah.

Guddiga Doorashooyinka Madaxa banaan ayaa sheegey in ay ka go’antahey in doorasho dalku galo sanadka 2020 haddii alle ogolaado loona baahanyahey in Madaxda dalku Heshiis ka gaarto in la qaato doorasho loo wada dhanyahey,lana meel mariyo shuruucda doorasho ee loo baahanyahey iyo dhaqaalihii lagu fullin lahaa hawshaas.

DHanka kale Guddoomiyaha Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada Soomaaliya md Cali Maxamed Nuux ayaa sheegey in ay ku faraxsanyihiin Hor imaatinka Barlamaanka Aqalka sare loona baahanyahey in dalka laga gudbiyo marxaladda adag ee uu ku jiro loona midoobo in la qaado hal waddo leysna aamino iyadoo lagu aamaaney xubnaha Aqalka sare sida ay hawsha qaranka u wadaan isla markaana ay guddiga doorashooyinka ku garab istaagaan xilka iyo hawsha ay qaranka u hayaan.

Ugu Danbeyntii Xildhibaanada Aqalka sare ayaa Amaaney Sida Gudiga Doorshooyinka Madaxa Banaan isugu xil qaameen Hawshii loo igmadey iyo dadaalka ay muujiyeen iyagoo balan qaadey in ay ku taageeri doonaan hawlaha u dhiman iyo sii ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda Qaran,wuxuuna kulanku kusoo dhamaadey jawi hagaagsan.

warsom2011@gmail.com