Sunday, July 26, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Midowga Afrika ayaa qorsheynaya in howlgalkiisa cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya – AUSSOM (AU Support and Stabilisation Mission in Somalia) – uu si buuxda u hawlgalo bisha Luulyo 2025, isagoo beddelaya ATMIS oo muddo xileedkiisii dhamaaday 1-dii Janaayo 2025. Howlgalka cusub ayaa noqonaya wajiga saddexaad ee dadaallada Midowga Afrika ee...
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in ciidamadiisu ay xalay weerar ballaadhan ku qaadeen saddex xarumood oo nukliyeer ah oo ku yaalla gudaha Iiraan, kuwaas oo kala ah Fordow, Natanz iyo Isfahan, isaga oo ugu baaqay Iiraan in ay hadda nabad qaadato. Trump ayaa weerarka ku tilmaamay “guul weyn...
Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysn oo gudaha degmada Aadan Yabaal ka fuliyeen ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo kaashanaya kuwa Saaxiibada Caalamka. Howlgalkaan ayaa la tilmaamay in si gaar ah loogu beegsaday guri ku yaala degmada Aadan Yabaal oo kooxdu u ahaa...
Dowladda Israa’iil ayaa Khamiistii sheegtay inay doonayso in Maraykanku gacan ka siiyo weerarrada ay ku hayso xarumaha nukliyeerka ee Iran, xilli Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu sheegay inuu muddo 2 todobbaad gudahood ah uu go'aan kaga gaadhi doono in Maraykanku colaada ku lug yeesho iyo in kale. Israa’iil ayaa toddobaadkii...
Taliyihii hore ee hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa dib loogu doortay kursiga HOP058 ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya. Doorasho ka dhacday degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee caasimadda Hirshabeelle ayuu Sambaloolshe kursigaan ku guulaystay iyadoo aan lagula tartamin, kaddib...
Qaramada Midoobay (QM) oo xuseeysay maalinta caalamiga ah ee ciribtirka xadgudubyada Jinsiga la xiriira ee Soomaaliya ayaa ku baaqday in la taageero dadka ka badbaaday iyo dhibanayaasha xadgudubyada la kulmay. "Bulshada Soomaaliyeed waxay mudan yihiin in garab la siiyo kuwa ka badbaaday iyo dhibanayaasha ay ku dhaceen falalka Jinsiga la...
Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Shirkii gogoshada wadatashiga qaran ee afartii cisho ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho kaa uu isniintii lasoo dhaafay furay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qeyb galay madaxda Dowladda, Siyaasiyiin, Ururada Siyaasadda ee ka diiwan gashan Guddiga Doorashooyinka. Shirkaan waxaa laga...
Midowga Yurub oo kaashanayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Hawlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ayaa soo gabagabeeyay dhoolatus ciidan oo lagu magacaabay Green Shield. Dhoolatuskan oo ka dhacay xarunta tababarka General Dhagabadan ee duleedka Muqdisho, ayaa lagu sheegay inuu calaamad u yahay iskaashiga ka dhaxeeya Soomaalida, Midowga Yurub,...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, inuu hor istaag ku hayo 17 mashruuc oo uu maalgelinayo Bankiga Adduunka, kuwaas oo la doonayay in laga hirgeliyo deegaanada Puntland si bulshada looga faa’iideeyo. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa sheegay in dhammaan mashaariicdan...
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa si adag u beenisay warar lagu faafiyay qaar ka mid ah warbaahinta iyo baraha bulshada oo sheegayay in xubno ka mid ah ergadii Soomaaliya ee ka qeyb gashay Shirkii 113aad ee Shaqada Adduunka ee ka dhacay magaalada Geneva ay dalka dib...