Tuesday, September 1, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

                        Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka iyo madaxda maamulka Puntland, oo u dabaal degaya sannad guuradii 19-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland sanaddii 1998-dii. Mudane Khayre, ayaa sheegay in shacabka Puntland ay yihiin...
Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa mar kale xukun dil ah ku riday Askarigii ka danbeeyay dilkii wsasiir howlaha guud iyo dib u dhiska dowladda Soomaaliya Cabaas Siraaji, kaasoo racfaan ka qaatay xukunkii dilka ahaa ee Maxkamadda Darajada koowaad ku riday 19-kii bishii June. Axmed C/llaahi Cabdi oo 29...
Qadar ayaa ku gacan seyrtay dalabka waddamada carbeed ee horey xiriirka ugu jaray dalkaasi. Waddamadan ayaa doonaya in Qadar ay marka hore shuruudo ka soo baxda ka hor inta aysan wax wada xaajood ah la yeelan waddamadani. Wasiirka arrimaha dibadda Qadar, Maxamede bin Cabdulraxmaan Al-Thani ayaa sheegay in xayiraadaha saaran dalkiisa...
 Guddoomiyaha Degmada Baraawe ee Xaruunta Maamulka Koonfur-galbeed Aadan Madoobe, ayaa sheegay in duqeyn lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al Shabaab. Duqeynta ayaa shalay ka dhacday deegaanka Kuunyo Barow oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose. “Duqeynta waxaa lagu dilay sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyay Dheere, kaas oo ahaa hogaamiyaha...
Dhalinyaro gaareysa illaa iyo 35 ruux oo wiilal iyo gabdho ah ayaa mar kaliya maanta loogu sameeyay ‘’Guur Wadareed’’ magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Guurkan ayaa ujeedadiisu aheyd in lagu kaalmeeyo dhalinyarada oo doonayay in ay qoys dhistaan balse u waayay waayay awoodii dhaqaale. Ku xigeenka Chief Khadi-ga Kenya Rashiid Cali...
Ra’iisul Wasaaraha Xukumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa uga tacsiyadeeyey Qoysaska, Qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed qaraxii shalay Al Shabaab ay ka geysteen wadada Makkah Al-mukarama ee magaalladda Muqdisho. “Waxaan tacsi u dirayaa ehellada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay qaraxaasi, waxaan sidoo kale ALLAH...
Ugu yaraan 18 askari oo ka tirsan howlaglka Midowga Africa ee AMISOM ayaa lagu dilay weerar gaadmo ahaa oo shalay ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose. Weerarka waxaa uu ka dhacay meel u dhow tuulada Golweyn oo 120km dhinaca koonfur kaga toosan magaalladda Muqdisho. Kolonyada la weeraray ayaa ka koobnaa 24 gaari...
                    Booliiska dalka Philippine ayaa toogtay Duqa magaalladda Ozamiz iyo xaaskiisa, kadib markii weerar ay ku qaadeen gurigiisa oo ku yaalla Jazeerada Mindanao. Reynaldo Parojinog, ayaa waxaa lala dilay xaaskiisa iyo 10 kamid aheyd ilaaladiisa, sida Police-ka ay sheegeen. Ciidanka ayaa rasaas ku furay guriga Reynaldo, oo lagu eedeeyay in uu xiriir...
Wasiirka wasaarada dastuurka xukuumada Soomaaliya Cabdiraxman Xoosh Jabriil oo maanta qorshuhu ahaa in uu hortago baarlamaanka Soomaaliya si su’aalo loo weydiiyo ayaa arintaa ka cudur daartay sababo la xiriira caafimaadkiisa. Wasiirka ayaa u gudbiyay guddoonka baarlamaanka qoraal uu ku codsanayo in la siiyo mudo ku siman ilaa 11 bisha Augusto...
Wasiirka wasaaradda diinta iyo Aw qaafta Sheekh khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa sheegay in aanay jirin kiniisad cusub oo loo ogolaaday balse ay jirtay in kiinsadii hore u jiri jirtay in loo fasaxay inay ku cibaadaystaan dadka aaminsan diinta Kiristaanka ee wadanka ka hawlgalla. Wasiirku waxa uu sheegay in dastuurka iyo...