Xarrakada Al-shabaab ayaa war ay soo saareen ku sheegay in 39 askari oo ka tirsanaa howlgalka midowga Africa ee AMISOM ku dilleen dagaal ka dhacay subaxnimdii hore ee saaakay ka dhacay meel u dhaw deegaanka Buula-mareer ee gobolka Shabeellaha hoose.
Dagaalka ayaa dhacay kaddib markii Al-shabaab ay waddada u galleen...
Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa goor dhaw ku dhaawaqay isku-shaandheyn lagu sameeyay xubnaha gollaha wasiiradda maamulka.
Isku shaandheyntan oo aheyd mid todobaadyadii ugu danbeeyayba siweyn looga hadal hayay magaalada Beydhabo ayaa waxaa ka dhax muuqanaya wasiiro cusub, halka wasiirradii hore qaarkood loo badallay wasaarrado kale.
Madoobe Nuunoow Maxamed...
Qarax xoogan oo loo malenayo in loo adeegsaday gaari ayaa goor dhaw ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.
Gaar ahaan qaraxan ayaa ka dhacay meel aan wax badan ka fogeyn saldhiga degmada Waabari ee Isogyska Dabka lamana oga halka uu bartilmaameedka qaraxan uu ahaa.
Mar marka qaar ayaa la...
Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan isku shaandheen uu ku sameeyo golihiisa Wasiiradda, sida ilo wareedyo ay u sheegeen Warbaahinta.
Siyaasiinta ku dhaqan magaalladda Baydhabo ayaa aad u hadal haya isku-shaandheenta lagu sameynayo Wasiiradda.
Suxufiyiinta ku sugan Magaalladda Baydhabo ayaa soo sheegaya in...
Waxaa magaalada Muqdisho ku soo dhamaaday shirkii dowladda federaalka iyo AMISOM, kaasoo looga hadlayay sidii Ciidamada Soomaaliya ammaanka dalka ugala wareegi lahaa AMISOM sanadaha soo socda.
Kulankan oo socday mudo shan cisho ah ayaa waxaa ka qeyb galay ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda, wasiirka gaashaandhigga, guddoomiyaha gobolka Banaadir, taliyeyaasha ciidamada, wakiilka...
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, ayaa maanta hortagaya Golaha Baarlamaanka oo kulan ku yeelanaya Xaruunta Golaha Shacabka ee Magaalladda Muqdishu.
Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa su’aalo ka waydiin doono waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradda arrimaha Dastuurka Xukumada Sooomaaliya.
Wasaaradda Dastuurka ayaa muddooyinkii lasoo dhafay waxaa ay wadatashiyo...
Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa shalay booqday xero ay ku jiraan ciidanka howlgalka xasilinta Caasimadda.
Booqashada ayaa waxaa ku wehlinayay xubno ka tirsan golayaasha dowladda Soomaaliya, waxaana ciidanka ay ugu tageen sidii ay u dhiiragelin lahaayeen.
Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay rajada umadda Soomaaliyeed...
Dabley aan la aqoon ayaa weerartay guriga madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya William Ruto xili Kenya ay isku diyaarineyso dhawaan doorashada madaxweynaha.
Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in ragga weerarka soo qaaday xoog ku jiireen askar booliis ah oo ku sugneyd afafka hore ee guriga madaxweyne ku-xigeenka oo ku yaalay degmada...
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay muhiimada ay leedahay in loo gudbo nidaamka Asxaabta ama Xisbiyada iyada oo laga gudbayo kan hadda ay dowladda ay ku dhisan tahay ee Qabiilka.
Prof Jawaari ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhameystiro dhamaan sharciyadii lagama maarmaanka u ahaa...
Wiil Soomaali ah oo muddo ka xanuunsanaayay Kilyaha, ayaa qaliin lagu sameeyay kaddib waxaa laga soo saaray dhagxaan gaaraya 700 sida ay sheegtay dhakhtarad ka tirsan Isbitaal ku yaalla dalka India.
Wiilkan qaliinka lagu sameeyay oo lagu magacaabo Abdi Rahman waxaana uu ka tagay magaalada Gaalkacyo kaddib markii dhakhaatiirta ay...


















