Tuesday, September 1, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM isku diyaarinayaa in ay ka baxaan saldhig muhiim ah oo ay ku lahaayeen gobolka. Dadka deegaanka Leego ayaa sheegay in ciidamadu ay halkaa ka xir xirteen agabkooda islamarkaana qorshayanayan in ay isaga baxaan...
Xukuumadda Somaliland ayaa albaabadda u laabtay Kaniisadii markii hore la ogolaaday in dib loo furo, kaddib markii muran iyo khilaaf ka dhex abuurtay bulshadda dhexdeedda, islamarkaana xukuumadda lagu eedeeyey dib u furitaanka Kaniisadasi. Wasiirka Diinta iyo Aw qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed  ayaa markii hore sheegay in loo ogolaaday dadka...
Meydadka Askar Uganda u dhashay oo dhawaan lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Shabeellaha hoose ayaa la geeyay magalada Kampala. Diyaarad siday meydadkan oo shalay ka duushay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ka dejiyay garoonka diyaaradaha Entebbe ee magaalada Kampala. Wasaaradda difaaca Uganda ayaa sheegtay in ilaa 12 askar ay uga geeriyoodeen...
Kolonyo ay la socdeen ciidamada maamulka Jubaland ayaa maanta Qarax miino lagula eegtay deegaanka Yoontoy ee Gobolka Jubbada hoose. Ciidamada ammaanka ee kolonyada la socotay ayaa la sheegay in dhaawac uu ka soo gaaray Qaraxa, sida dadka deegaanka ay sheegeen. Ciidamada Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe waday dhaq-dhaqaaq kala duwan oo ay...
Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in muwaadiniin Soomaaliyeed la dilay kaddib markii lagu gubay goobahooda ganacsiga. Falkan oo ay ku dhinteen muwaadiniin magacyadooda lagu kala sheegay Cali Maxamuud Cali, Cabdullaahi Cali Caymooy  ayaa waxaa uu dhacay habeenkii Isniinta oo taariikh-da ku beegneyd 31-ka bishii ina dhaaftay ee...
Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ayaa saaka aroortii weerar ku qaaday magaalladda Mandera ee gobolka Waqooyi-bari dalka Kenya. Kooxda ayaa gubtay laba gaari, waxaana la wariyay in khasaare xoog badan uu ka dhashay weerarka. Ilaa iyo hadda lama xaqiijin inta ay la egtahay tirada khasaaraha ka dhashay weerarka, sida ay ku...
Magaalladda bariga dalka Sucuudiga ku taalla ee Cawaamiya, ayaa lasoo sheegayaa in boqolaal qof ay ka qaxayaan, kadib markii magaalladda ay ka bilowdeen isku dhacyo dhexmaraya booliiska iyo shacab halkaasi degan. Ciidamada ammaanka Sucuudiga ayaa isku dayayay illaa bishii May in dad shacab ah ay ka raraan xaafada qadiimka ah...
Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa shalay ku qabatay magaalada Muqdisho shir wada-tashi ah oo looga hadlay arrimo ku saabsan go'itaankii internetka ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo tallaabooyinka xiga ee laga qaadi karo. Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen shirkadaha isgaarsiinta, internetka, dalladaha mideeya jaamacadaha dalka iyo Jaamacadda Ummadda,...
Dalka India waxaa xukun lagu riday qaar ka mid ah maxaabiistii Soomaaliyeed ee muddada dheer halkaa ku xirnaa, maalin kaddib markii labada dowladood ay kala saxiixdeen heshiis ka hadlaya mustaqbalka maxaabiista Soomaalida. Wasiirka Arrimaha Dibedda Yusuf Garaad ayaa sheegay in 15 Maxbuus oo ka mid ah 118 ka Maxbuus ee...
  Banaabaxan oo ahaa mid aad u balaaran ayaa looga soo horjeeday go'aan ay dowladda Puntland ku soo rogtay ganacsatada gobolka Bari ,kaasi oo ah in canshuurta  lagu bixiyo dollar halkii lagu bixin lahaa shilinka Somaliga. Boqolaal dadweyne ah ayaa xiray isku socodka gaadiidka iyo dadka ee magaalada ,waxaana gabi-ahaanba istaagay...