Ugu yaraan 27 qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeryoodeen duqeymo dhanka cirka ah oo magaalladda Raqqa ee dalka Suuriya lagu garaacay.
Weerarka ayaa la sheegay in ay geysteen isbahaysiga uu Mareykanku hoggaaminayo.
Hay`adda xuquuqda aadanaha Siiriya ee fadhigeedu yahay dalka Britain ayaa sheegtay in dadku ay...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo habeen hore ku geeriyooday Magaalladda San Diego ee dalka Maraykanka.
Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay Marxuum Cabdiraxmaan diblumaasi ruug cadaa ah oo daadaal iyo wakhti dheer galiyey kobcinta xiriirka Soomaaliya ay la...
Xildhibaanno tirsan maamulka Hirshabeelle oo maanta ku shiray magaalada Jowhar ayaa sheegay in ay kalsoonidii kala noqdeen madaxweyne ku-xigeenka maamulka Cali Cabdullaahi Xusseen Cali Guudlaawe.
Maxamed Cabdullaahi Digaale oo ka mid ah guddoon ay xalay doorteen xildhibaannadan ayaa sheegay in kulan ay yeesheen sida uu hadalka u dhigay 69 xildhibaan...
Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda (UPDF) General David Muhoozi, ayaa Talaadadii shalay booqasho rasmi ah ku yimid Magaalladda Muqdishu.
Ujeedka booqashadiisa ayaa lagu sheegay qiimeynta howlgalka ka socda dalka Soomaaliya. Sidoo kale booqashadiisa ayaa waxaa ay tahay tii ugu horreysay tan iyo markii loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Difaaca Dalka Uganda.
Inta...
Cabashooyin faro badan ayaa ka soo yeedhay habsami socodka shaqo ee dekadda Berbera tan iyo intii ay la wareegtay shirkadda carbeed ee DP world.
Ganacsatadda wadaniga iyo macaamiisha isticmaasha ee dalka Itoobiya ee alaabta kala soo dega dekadda Berbera ayaa dhibaatooyin ka tirsanaya qaabka shaqo ee shirkaddaasi wax u maamusho,...
Wafdiga Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojoyadda dalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Eng. Cabdi Cashur Xasan, ayaa kullamo kala duwan waxaa ay la qaateen Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta dalka Jabuuti.
kulamadan ayaa waxaa si gooni ah looga wada-hadlay arrimaha xiriirka Iskaashiga ee dhinaca hirgelinta Heshiiska Boostada...
Dowladda Mareykanka ayaa dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku ammaantay fududeynta iyo isa-soo dhiibidda hoggaamiyihii hore ee Xarakadda Al Shabaab Mukhtaar Roobow Abuu Mansoor.
“Dowladda Mareykanka waxaa ay taageereysaa nidaamka dowladda Soomaaliya ay waddo oo ah bahdilka saameynta Al Shabaab oo ay kamid tahay isa-soo dhiibitadda hogaamiyaasha sar-sare ee kooxda”, waa...
Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Humen Rights Watch oo sheegtey in la Baaro Denbiyadii uu galey ROOBAW.
Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqday dowladda federaalka in ay baarto dambiyadii uu galay Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, kaddib markii maalintii shalay uu la hadlay warbaahinta.
Laetitia Bader oo ah cilmi bare sare oo ka tirsan hay’adda Human Rights Watch oo lagu magacaabo Laetitia Bader ayaa...
Ugu yaraan shan askari oo Police ah ayaa lagu dilay weerar gaadmo ahaa oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay gobolka waqooyi-bari ee dalka-Kenya.
Koox hubeysan oo loo maleynayo Al Shabaab ayaa weerarkaasi ku qaaday deegaanka ay ku sugnaayeen ciidamada, waxaana ay bili-liqeysteen dhammaan hubkii ciidamada iyo gawaaridii u yaallay...
Ugu yaraan 27 qof ayaa ku dhimatay weerar is-qarxin ahaa oo lagu qaaday suuq ganacsi oo ku yaalla wayoyi-bari dalka Nigeria , sida Police-ka ay sheegeen.
Laba qof oo is-qarxiyaal ah ayaa galay suuqa oo mid kamid ah ay aheyd dumar.
Sidoo kale Tobaneeyo qof oo kalena ay ku dhaawacmeen kaddib...


















