Tuesday, September 1, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wadahadal dhexdhexaadin ah oo labadii maalmood ee u danbeeyey ka soconayey magaalada Buuhoodle ayaa laga soo saaray qodobo labada dhinac ee dirrirtu dhexmartay ay ku heshiiyeen. Guddi dhexdhexaad ah oo ka kala yimi degaano badan ayaa hawshan u fududeeyey in 30 xubnood oo labada dhinac ah ay wadaxaajood isu soo...
                        Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray Maxjarka Xanaanada Xoolaha ee Jubba kaasoo laga hir-galiyay duleedka magaalada Kismaayo. Wasiirka Xanaannada Xoolaha Jubbaland Mudane Maxamed Nuur Buule, maamulka Maxjarka Odayaal dhaqan iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa kasoo qayb...
Iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya dhawaan go’aan ka qaadatay xiisadii siyaasadeed ee khilaafkii soo kala dhaxgalay maamulka Hirshabeelle, kuna baaqay in la qabto doorasho madaxweyne’’ ayaa waxaa arintaa ka soo horjeestay odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Xawaadle. Odayaashan oo ku shiray Beledweyne ayaa sheegay in mowqifka gobolka Hiiraan ee...
 Ku-xigeenka xog-hayaha guud ee QM dhinaca siyaasada Jeffrey Feltman ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana uu kulamo la qaadanayaa madaxda dowladda. Waxaa lagu wadaa in mas’uuliyiinta dowladda iyo ku-xigeenka xog-hayaha QM ka wada hadlaan arrimaha siyaasada, horumaradii la sameeyay iyo waxyaabaha hor-yaala sida dib u eegista dastuurka iyo sidii...
Safiirkii Ruushka ee dalka Suudan Mirgayas Shirinskiy ayaa meydkiis laga helay barkada dabaasha ee qolkiisa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan maalintii Arbacada shalay, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska. Saraakiisha ayaa sheegay in markii ay arkeen arintan si deg deg ah goobta u soo gaareen dhaqaatiir caafimaad, kuwaa oo baaritaanno ku...
                        Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Koonfur Afrika kaga qeyb-galaya shir-weyne ay soo qaban qaabisay hay”dda Thabo Mbeki foundation, kaas oo ay ka qeyb-galayaan Hogaamiyaashii soo maray Qaaradda Africa. Shirka ayaa sanadkan waxaa looga doodi doonaa ka hortagga dhibaatooyinka soo wajaha Qaaradda gaar ahaan caqabadaha hor...
                    Hooyo soomaaliyeed oo 27-jir ah ayaa isniintii lasoo dhaafay lagu dilay magaalladda Bristol ee dalka Britain, kadib marki uu toorreeyay seygeeda oo lagu magacaabo Aden Dahir. “Gabadha waxaa kutaalay laba tooreey, mid dhinaca bidix ah iyo mid kale oo dhinaca midig kaga taalay, balse mindidii kaga taallay dhinaca midig ayeey...
                    Dowladda Masar ayaa xabsiga dhigtay 12 qof oo looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen ka ganacsiga xubnaha jirka bani'aadamka, sida warbaahinta dalkaasi ay sheegeen. Booliska ayaa sheegay in baaritaanno xooggan ay ku hayeen dadka lasoo qabtay. “12-ka qof waxaa kamid ah dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad, waxaana laga qabtay xarun...
                        Tababare Police oo ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (AMISOM) ayaa Arbacadii shalay sheegay in ay bilaabeen tababar socon doona 10 maalmood, kaas oo saraakiil ka tirsan ciidamada Police-ka Soomaaliya lagu barayo ka hortagida falalka argagixisada, si loo hagaajiyo khibradooda ku wajahan ladagaalanka argagixisanimada. Christopher Kashita, ayaa sidoo...
                    Kooxo hubeysan ayaa xalay xaafadda Xaawo Taako ee degmadda Afgooye ku dilay Nabadoon Duraan Cali Axmed oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee Degmada Afgooye, sida uu sheegay Madaxa Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose. Kooxda dilka geysatay ayaa ku hubeysneed bastoolado, waxaana ay ka carareen goobta markii dilka...