Maamulka Puntland ayaa mamnuucay qabashada shirar aan oggolaansho laga haysan maamulka gobolka Sanaag oo lagu taageerayo maamulka SSC Khaatumo
Qoraal uu maamulka soo saaray ayaa si cad u faraya in la joojiyo dhammaan shirarka aan maamulka oggolayn ee lagu qabanayo magaalooyinka gobolka Sanaag. Waxa sidoo kale digniin adag loo diray...
Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta ee Kuwait ayaa laba heshiis oo iskaashi horumarineed ah la gashay Wasaaradda arrimaha Dibadda ee UK, si gargaar degdeg ah oo bani’aadamnimo loogu fidiyo dadka ay saameeyeen colaadaha ka taagan Jamhuuriyadaha Sudan iyo Soomaaliya.
Sida lagu sheegay bayaan uu faafiyey wakaaladda wararka Kuwait ee KUNA, labada...
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee maamulka Hirshabeelle ayaa maanta degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ku qabatay doorashada gudoomiyaha Iyo gudoomiye ku xigeenada degmadaas.
Xildhibaanada Golaha deegaanka degmada Balcad ayaa u doortay gudoomiyaha degmada ahna duqa degmada Balcad u doortay Qaasim Cali Nuur.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee degmada...
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa kulan ay yeesheen ku adkeeyay taageeradooda buuxda ee la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo sheegay inay ka go’an tahay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo xasillooni siyaasadeed.
Goluhu wuxuu si...
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa amray in dalalka ciidamada usoo dira Soomaaliya, oo loo yaqaan Troop-Contributing Countries (TCCs), ay qaataan mas’uuliyad dheeri ah si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo taageerada amniga Soomaaliya.
Go’aankan ayaa yimid kadib shir heer wasiir ah oo laba maalmood kahor...
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa maanta wareegto uu soo saaray si rasmi ah ugu magacaabay guddiga farsamo ee dhameystirka maamul goboleedka SSC Khaatumo.
Guddigan farsamo ayaa ka kooban illaa 8 xubnood, kuwaas oo ay Wasaaraddu ugu talo gashay ka...
Xiisad colaadeed ayaa ka taagan gobolka Sanaag, gaar ahaan tuulada Ceelbuh, taasoo u dhaxaysa ciidamo ka tirsan Puntland iyo kuwa uu hoggaaminayo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in iska horimaad ka dhacay halkaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad...
Midowga Afrika ayaa u kordhiyay joogitaanka ciidamada Burundi ee Soomaaliya muddo lix bilood ah, iyagoo sii ahaanaya qeyb ka mid ah howlgalka cusub ee AUSSOM.
Tani waxay imaaneysa kadib markii horey loo qorsheeyay in ciidamada Burundi ay ka baxaan dalka ugu dambeyn 30-ka Juun 2025.
Go’aankan ayaa yimid kadib kulan ay...
Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u beeniyay wararka sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gacanta ku hayso dhaqaalaha loogu talagalay dhismaha waddada isku xirta degmada Xarfo iyo magaalada Gaalkacyo.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in aysan jirin wax sabab ah oo lagu eedeyn karo Puntland in...
Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in Golaha Wasiirrada Soomaaliya ay si mideysan u ansixiyeen heshiis is afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Turkiga iyo Wasaaradaha u xilsaaran Gaadiidka iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalalka Xeebaha leh...


















