Dowladda Uganda ayaa shir-guddoomisay kal-fadhiga 1287-aad ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC), kaas oo si gaar ah loogu falanqeeyay xaaladda amni ee Soomaaliya iyo mustaqbalka Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Kulankan oo ahaa mid heer sare ah oo dhanka farsamada iyo siyaasadda ah,...
Sida lagu ogaaday baadhitaan ay si wadajir ah u fuliyeen warbaahinta Jarmalka ee DW iyo ARD, Ayuub Cabdirisaaq (oo loo yaqaan "Kabtan Ayuub") iyo Yacquub Siyaad, oo ah dhallinyaro Soomaali ah oo caan ka ah baraha bulshada, ayaa si joogto ah ugu faafinayay fariimo naceyb iyo hurin dagaal ah,...
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil xigeenno iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababbaro kala duwan ku soo qaatay dalka Turkiga iyo Kulliyada Tababbarka ciidamada ee TurkSom ee magaalada Muqdisho.
Raysal Wasaare Xamse Cabdi...
Markabka Oruc Reis oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa ku guuleystay in uu dib ugu laabto dalka Turkiga, kadib markii uu baaritaan shidaal ka sameeyay xeebaha Soomaaliya, Markabka iyo shaqaalihii la socday ayaa si nabad ah dib ugu soo laabtay dalkooda kadib markii ay soo dhameysteen howlahooda shaqo ee...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hirgelisay nidaam cusub oo biometric ah oo lagu sugo amniga xuduudaha, si wax looga qabto tahriibka dadka, laga yareeyo socdaalka sharci darrada ah, loogana hortago khataraha amni ee gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Nidaamkan waxaa taageeraya Dowladda Mareykanka.
Hirgelinta nidaamkan ayaa ka...
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallin Xasan ayaa faah faahin ka bixiyay diyaarad Helicopter ah oo saakay ku dhacday garoonka magaalada Muqdisho.
Axmed Macallin Xasan oo warbaahinta Qaranka la hadlayay ayaa u sheegay in diyaarad nooca qumaatiga u kacda ee Helicopter ka ee ku burburtay Garoonka ay...
Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daaud Aweys ayaa sheegay in todobaadyada soo socda ay bilaaban doonaan duulimaadyo toos ah oo Tanzania iyo Soomaaliya kadib heshiis dhex maray labada Dowladood.
Wasiir Daaud Aweys ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya iyo Tanzania ay ku heshiiyeen inay bilaabaan duulimaad toos ah oo u dhexeeya...
Cabdikariin Sheekh Muuse Qalb Dhahagax ayaa magaalada Jigjiga loogu doortay Guddoomiyaha Jabhadda Xoraynta Ogaadeeniya (ONLF), isaga oo madax ka noqonaya garab kamid ah jabhadda oo taageersan wada-shaqeynta dowladda Itoobiya. Dhanka kale, garab kale oo mucaaradsan dowladda, kana hawlgala dibadda, ayaa si cad u diiday doorashadiisa.
Qalbi Dhagax ayaa lagu doortay...
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in ay siyaasiyiin ku howlan inay si sharci-darro ah ciidamo uga qoranayaan Puntland, isagoo ku tilmaamay fal fool xun oo aan la aqbali karin.
Madaxweyne Deni wuxuu si toos ah eedda ugu jeediyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee...
Wasiirka Caafimaadka ee Kenya, Aaden Barre Ducaale, ayaa Sabtidii, 28-ka Juun 2025, mar kale ku celiyay in Kenya ay si buuxda u aqoonsan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Isagoo ka hadlayay xuska sanadguuradii 65-aad ee Xorriyadda Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Nairobi, una martigeliyay Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jibriil Cabdulle, ayuu...


















