Sunday, August 30, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

  Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa shaaciyay in magacii laga bedelay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho halkaas oo 14-kii bishan uu ka dhacay qarax ba’an oo si weyn loogu hoobtay. Guddoomiyaha oo soo gabagabeynayay socod dheer oo ka soo bilowday garoonka Istadyum Konis illaa Isgoyska Zoobe kaasoo...
War laga siidaayay warbaahinta ku hadasha Afka Ururka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in xoogag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab in ay ka dambeeyeen dilkii xalay xaafada Calanleey ee magaalada Kismaayo loogu geystay xildhibaan C/xakiin Jaamac Cilmi (Tima-faras). Al-shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in dilka kaddib ay dagaalyahanadooda u suurtagashay in...
Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa caawa ku dishay magaalada Kismaayo xildhibaan C/xakiin Timo Faras oo ka tirsanaa baarlamaanka Jubbaland. Weerarka lagu toogtay xildhibaanka ayaa ka dhacay xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo waxaana goobta ka baxsaday kooxdii toogashada geystay. Ciidamo ka tirsan nabad-sugida maamulka Jubbaland ayaa tagay halka uu weerarka ka dhacay,...
                  Maamulka Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah gar-gaar isugu jira daawo iyo dhakhaatiir caafimaad u diray magaalada Muqdisho si looga jawaabo gurmad Qaran oo laga bilaabay guud ahaan Somalia. Diyaarad khaas ah oo lagu soo guray agabyo caafimaad oo loogu tala-galay in lagula tacaalo xaalad-da caafimaad ee dadkii ku waxyeeloobay...
Kumannaan dadweyne ah oo ka careysan qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe oo ay ku dhinteen ku dhawaad 300 oo ruux ayaa maanta ka socda inta badan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Dadka ka qeybqaadanaya isku soo baxan ayaa ku qeylinaya erayo ay uga soo hor jeedaan wax ugu yeereen Xasuuqii...
 Maxkamad ku taal dalka Mareykanka ayaa wax waba kama jiraan ka dhigtay mamnuucidii Madaxweyne Donald Trump ku soo rogay muwaadiniinta 8 dal inay soo galaanMareykanka. Maxkamad heer Federaal ah ayaa soo saaray amar si KMG loogu xadiddayo dhaqan gelinta amarka Madaxweyne Trump. Amarka mamnuucistan ayaa ka dhan ahaa muwaadiniinta dalalka Iiraan,...
  Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa xalay ku geeriyooday dalka Hindiya, kaddib markii uu dhowaan halkaas loo geeyay arrimo caafimaad. Xildhibaanka ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Hindiya oo muddooyinkan lagu daweynayay. Bootaan Ciise Caalin ayaa wasiir ka soo noqday dowladdii KMG aheyd ee lagu soo...
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelllaha Hoose ayaa sheegaya in gallinkii danbe ee Isniintii todobaadkan duqeyn cirka ah laga fuliyay meel ku dhaw deegaanka Barriire. Goobjoogayaal ayaa sheegay in duqeyntan lagu bartilmaameedsaday dagaalamayaal ka tirsanaa Al-shabaab ku sugnaa Barriire. Lama oga halka laga lahaa diyaaradaha duqeynta geystay laakiin marar badan oo...
Maalmo murugo iyo baadigoob adag oo loo gallay dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay Qaraxii 14kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe, hadda xaalku sidaa waa uu ka duwan yahay oo dadku waxaa ay u jiheysteen dib u dhis iyo goobta laga nadiifiyo bur burkii iy saameyntii uu ku...
Sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa VOA-da u sheegay in qaraxi ay dadka badani ku dhamaadeen ee Sabtidi ka dhacay Muqdisho uu bartilmaameedkiisu ahaa saldhigga ciidan ee ay Dowlada Turkiga dhawaan ka furtay magaalada Muqdisho. Sarkaalkan oo diiday in magaciisa la xuso ayaa sheegay in macluumaadka ay ururiyeen...