Waxaa dib loo furay loona fasaxay in ay isticmalaan dadka iyo gadiidka waddada Zoobe oo 14kii bishan uu ka dhacay qarax galaaftay nolasha dad ku dhaw 400 oo ruux oo Soomaali ah.
Gadiidka dadweynaha ee BL -ka ayaa saakay halkaa maraya waxaana sidoo kale lagu arkayaan dad weyne dib u...
Kumanaan dadweynaha reer Muqdisho ah ayaa maanta Salaadii Jicmaha kaddib waxaa ay Janaaso wadareed ku tukadeen baraxada Isgoyska Zoobe oo Sabtidii 14kii bishan uu ka dhacay qaraxii cuslaa.
Dadkan oo ay hoggaaminayeen Culumaa’udiin ayaa barxadii uu qaraxa ku laayay boqolaalka qof istaagay, waxaa ay u duceeyeen dadkii ku dhintay musiibadaas
Sheekh...
Dooddii ugu horeysay Taariikhda ee musharaxiinta saddexda xisbi ee Somaliland loo qabto ayaa xalay ka dhacday magaaladda Hargeysa, taas oo la iskugu keenay saddexda musharax ee kala ah Musharax Muuse Biixi Cabdi oo ka socday xisbiga KULMIYE, Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaaahi Cirro oo ka socday xisbiga WADDANI iyo musharax...
Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa la kulmay Taliyaha Ciidamada AMISOM Jen, Cusmaan Nuur Subagle iyo saraakiisha ugu sareysa ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo isla soo soo qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in la sii xoojiyo howlgallada ka dhan ah...
Degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxaa ka dhacay kulan looga hadlayay arrimo la xiriira amniga iyo dib u celinta dadka ku soo barakacay degmada.
Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay maamulka gobolka Bakool, kan degmada, laamaha amniga, odayaasha, dhalinyarrada iyo haweenka.
Maxamed Macalin Axmed guddoomiyaha degmada Xudur oo goobta ka...
Dadka ku dhaawacmay qaraxii magaalada Muqdishu ee daaweynta loo geeyey dalka Suudaan ayaa sheegaya inaysan saacado badan helin daryeelkii caafimaad ee loo baahnaa kadib markii lagu daadiyey goob cisbitaal ah oo aan ku habboonayn baahidooda.
Dhaawacyadaasi oo la hadlay VOA ayaa sheegay in muddo ka badan hal maalin aanan lagu...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Kumannaan dadweynaha reer Muqdisho ay maalintii shalay kala qeybgalay dibadbax ballaaran oo ka dhacay Garoonka Kubadda Cagta Banaadir, ayaa sheegay in dowladdu dhiseyso ciidamo cusub oo lagu magacaabo
Madaxweynaha ayaa sheegay dhismaha ciidankan ay ugu horeyn doonaan shaqaalaha dowladda, loogana baahan yahay qof kasta Soomaali ah...
Waxaa maanta dib u dhis lagu bilaabay Laamigii Isgoyska Zoobe ee ku bur buray qaraxii cuslaa 14kii bishan halkaa ka dhacay.
Laamigii saarnaa bartamaha Isgoyska Zoobe ayaa ku baaba’ay qaraxii weynaa ee halkaas ka dhacay, waxaana goobta uu gaariga ku qarxay ka sameysmay God weyn.
Gaadiidka iyo dadweynaha lugeynaya ayaan loo...
Hay’addaha amniga dowladda Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa in ay soo bandhigaan baaritaanka socda lagu wadaa inay soo bandhigaan natiijada baaritaanka qaraxii 14-kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.
Saraakiisha hay’addaha Amniga ayaa la sheegay in ay soo gabagabeeyeen xog uruurinta Qaraxii Zoobe, saacadaha soo socdana la wadaagi doonaan...
Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in ay ku deeqday lacag dhan 300,000 oo Euro si ay u siiso Bisha Cas ee Soomaaliyeed kaddib weerarkii isgoyska Zoobe bilowgiii Todobaadkan.
Warkan waxaa lagu shaaciyay war qoraal ah oo ka soo baxay Arbacadii xafiiska Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada dalka Talyaaniga.
“Waxaan diyaariyey adeegga Talyaaniga ee...


















