Sunday, August 30, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Dowladda Rwanda aya sheegtay in ay ugu deeqday dadkii ku dhawaan ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Muqdisho dawo ku kaceysa $1 million oo dallor. Wasiirka arrimaha dibadda dalka Rwanda Ms. Louise Mushikawebo iyo wasiir ku xigeenka Arrimahada dibadda Soomaaliya ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya...
  Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kulan ku martiqaaday madaxda dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, 28ka bishan October 2017. Kulanka ayaa looga arinsanayaan sida la sheegay howlo muhiim ah oo horyaalla Qaranka, gaar ahaan sidii musiibadii Qaran ee ka dhacday magaalada Muqdisho 14kii bisha Oktoobar 2017 loogu...
Taliye ku xigeenka Booliska Puntland ayaa ku dhaawacmay rasaas uu riday taliyaha booliska Puntland C/qadir Shire Faarax Ereg, oo isagu rasaastaasi u waday sida la sheegay guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne. Xabadda haleeshay Taliye ku xigeenka Booliska Puntland ayaa uga dhacday jilibka. Wararka ayaa sheegay in gacan ka hadal...
  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabullaahi Farmaajo ayaa gaaray xarunta tababarka ciidamada ee Jasiira, halkaas oo cutubyo ka tirsan ciidamada  xoogga dalka ay ka wadaan diyaar garoow ku aadan dagaal ka dhan ah Al-shabaab. Madaxweynaha ayaa u kuurgalay abaabulka ay ciidamada ku jiraan isaga oo kula dardaarmay in ay laba laabaan dadaalka...
                          Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka tirsan Ciidanka Midowga Africa ee Amisom,  Iyagoo ka wad hadlay Xoojinta Wada shaqeynta, iyo xaqiijinta amniga guud. Madaxweyne Waare ayaa waxaa kulanka Saraakiisha AMISOM uu la qaatay ku wehlinayay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Goboleedka...
waxa maanta si rasmiya u bilaabmay ololihii doorashoyinka Somaliland, waxaana maanta ololihiisa bilaabay oo kalkiisa noqotay xisbiga UCID oo bakhtiyaa nasiib u helay inuu maalinta koowaad uu noqdo, halka maalinta labaad uu noqday xisbiga KULMIYE, maalinta sadexaad uu noqday xisbiga WADANI. Goboladda iyo degmooyinka Somaliland waxa isku soo baxyo waaweyn...
War murtiyeed ayaa ka soo baxay golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo ay ku mideysan yihiin shanta Madaxweyne dowlad goboleed, waxaana looga hadlay xaalada guud ee dalka iyo qodobo kale. Warka ka soo baxay madaxda dowlad gobolleedyada oo ka kooban 8 qodob ayaa ugu horeyn looga tacsiyadeeyay umadda Soomaaliyed qaraxii ay...
Midowga Yurub ayaa shaaciyay in ay si deg deg ah uga qeyb qaadan doonaan gurmadka loo fidinaayo dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxii Xoogganaa ee 14-kii Bishaan ka dhacay Magaalada Muqdisho. Kulan deg deg ah oo ay yeesheen Jimcihii ayay sheegeen xubno ka tirsan Midowga yurub in Maraakiib Sida dawooyin...
Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow ayaa sheegay in ay jiraan shaqsiyaad loo xiray Qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho  Muqdisho. Waxaa uu sidoo kale sheegay in hay’addaha Amniga ay hayaan xog ku saabsan Qaraxii Zoobe, islamarkaana dhawaan ay soo bandhigi doonaan. Wasiirka ayaa xaqiijiyay in...
Waxaa dib u dhacay maanta oo Sabti ah kulan wada jir ah oo ay isugu iman lahaayeen xildhibaannada baarlamaanka labada Aqal islamarkaana uu ka qeybgali lahaa madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulanka oo noqon lahaa mid aan caadi aheyn oo madaxweynuhu isugu yeeray labada Aqal ayaa looga hadli lahaa...