Dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneeysa Bangiga Adduunka ayaa daahfurtay wareeggii 1-aad ee barnaamij maalgelin shaqo abuur ah.
Sanduuqa kobcinta hal-abuurka ganacsiga Soomaaliya (SBCF), ayaa sida ay sheegeen masuuliyiinta xafiiskaasi waxa uu wadaa qorshe lagu taageerayo 150-200 oo ganacsato Soomaali ah oo ka kala iman doona gobollada dalka.
Mashruucan ayay masuuliyiinta sanduuqa...
Markii ugu horreysay muddo lixdan sanno ah xulka kubadda cagta ee waddanka Talyaaniga ayaa ku guuldarraystay in uu u soo baxo ciyaaraha Koobka Adduunka.
Xulkan afarta jeer ku guulaystay Koobka Adduunka ayaa waxaa barbaro 0-0 ah xalay lagu celiyay xulka Sweden, lugta labaad ee ciyaaraha kala baxa taas oo ka...
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo xalay ka qeybgallay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aan marnaba dhaxdhaxaad laga noqon karin marxalada uu maanta dalku marayo.
Isaga oo la hadlayay dadkii ka soo qeybgalay munaasabada oo ay haweenka Soomaaliyeed ku muujinayeen sida ay u barbartaagan yihiin...
Munaasabad ay haweenka Soomaaliyeed tageero ugu muujinayaan ciidamada qalabka sida ee Soomaliyeed oo ay soo qabanqaabisay wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaradaha ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo munaasabada ka hadlay ayaa kula dardaarmay haweenka Soomaaliyeed in ay hormuud u noqdaan dagaalka dalka lagula jiro Al-shabaab, wuxuna xusay...
Waxaa lagu wadaa in goor dhaw oo maanta ah ka soo degaan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho diyaarad ka imaaneysa Turkiga, taasi oo sida 10 ka mid ah dhaawacyadii Bishii October loo qaaday dalka Turkiga kuwaa oo la sheegay in ay xaaladooda caafimaad wanaagsan tahay.
Garoonka waxaa ku sugan mas’uuliyiin ka...
Tirinta codadkii maanta laga dhiibtay doorashada madaxtinimada Soomaaliland ayaa billaabatay kaddib markii dadku ay shalay codadkooda dhiibteen.
Doorashadan ayaa u muuqata mid Soomaaliland ay ku xoojineyso ololaha ay ku doonayaan in lagu aqoonsado in ay dal madaxbannaan yihiin.
Xarumaha codeynta oo la furay saaka 6-dii aroornimo ayaa la xiray 6-dii maqribnimo....
Guud ahaan marka la eego deegaannada Soomaaliland waxaa si habsami leh uga soconaya doorashada madaxweynaha oo wali waxaa la arkayaa dadka oo safaf dhaadheer ku jira si ay codkooda u dhiibtaan.
Waxaa ku tartamaya saddexda Xisbi ee kala ah Kulmiye, WADANI iyo UCID oo ay kala hogaamiyayaan saddexda musharax madaxweyne...
Saddexda Musharax ee xisbiyadda Somaliland iyo madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa ka codeeyey xarunta hay’adda shaqaalaha ee badhtamaha magaaladda Hargeysa.
Madaxda sarsare ee xukuumadda iyo hogaamiyeyaasha xisbiyadda ayaa ka codeeya xaruntan, waxaanay codbixiyeyaasha ugu baaqeen inay si nabadgalyo ah codka u dhiibaan,isla markaana u dul qaataan kulaylka cadceedda iyo xidhiidhiga safafka...
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa meel mariyay Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga madaxa -banaan la dagaalanka Musuqmaasuqa kaddib kulan ay ku yeesheen xildhibaannada magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada ayaa cod u qaaday Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga madaxa- banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa, waxaana ogolaaday 141 xildhibaan, ma jirin xildhibaano diiday iyo kuwa ka aamusay intaba.
Sharcigaan...
Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada Cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayo Ururada Al-shabaab iyo Daacish ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.
24 saac ee la soo dhaafay Mareykanku waxaa uu gudaha dalka Soomaaliya uu ka geystay Saddex weerar oo duqeyn cirka ah oo lala eegtay Al-shabaab iyo Daacish.
Weerarradii ugu dambeeyay ee Maraykanku...


















