Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gelinka dambe ee maanta u soc daalaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika oo dhamaadka bishan ka dhacaya magaalada Addis Ababa.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu sidoo kale ka qeyb...
Hay'adda Socdaalka ee QM ayaa sheegtay Jimcihii in ay xafiis ka furatay Dollow ee gobolka Gedo ee Soomaaliya iyada oo ka jawaabeysa barakac ballaaran oo ay sababeen abaaro iyo amni daro.
Hay'adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM) ayaa sheegtay in ay kor u qaaday barnaamijkeeda wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah...
Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilaaban doona degaanada maamulka Jubbaland.
Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda lagu amray in ay qaadaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in...
Sida lagu qoray wakaallada wararka u faafisa Turkiga ee Anadolu Agency Dowlada Soomaaliya ayaa u muujisay dowlada Turkiga taageero howlgalada ay ciiidamadeedu ay ka wadaan gudaha dalka Siiriya gaar ahaan gobolka Afrin.
Wasiirka Arrimaha Dibbada Dowlada Soomaliya Axmed Ciise Cawad ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Anadolu ee dalka Turkiga in dowlada...
Dowladda Sucuudi Carabiya ayaa sii daaysay rag taajiriin ah oo horay loo xiray kaddib markii ay isfagarad dhaqaale la gaareen mas’uuliyiinta waddankaasi.
Raggan ayaa lagu soo qabtay howlgal nadiifin ah oo ka dhan ah musuq maasuqa lana bilaabay Nofeembartii la soo dhaafay.
Waxa ay ka mid ah ahaayeen in ka badan...
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa caalamka ka codsaday in la dar-dargaliyo sidii Soomaaliya looga dhaafi lahaa daynta si ay ugu suurto gasho hirgelinta isbedelka ay wado, isagoo tilmaamay inay lama huraan tahay in Soomaaliya ku soo laabto saaxadda caalamka.
Isagoo ka hadlayay kulan ka qabsoomay Fagaaraha Dhaqaalaha...
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay goob lagu farsameyn jiray waxyaabaha maanka dooriya oo ku taal degmada Kaaraan.
Ciidamada ayaa xiray raggii karin jiray Calaqa iyo dad ka iibsan jiray oo si suuq madow u gelin jiray magaalada.
Wararka ayaa sheegaya in goobtan ay ka mid aheyd goobaha ugu weyn...
Gudoomiyaha xisbiga WADDANI iyo masuuliyiin la socota ayaa maanta booqday dadkii ku dhaawacmay dagaalkii labadda beelood ee Dararweyne ee gobolka Sanaag, waxaanu sheegay in xalina dirirta labadan beelood ee soo noqnoqday ay waajib ka saaran yahay xukuumadda.
“Xisbi ahaan waxaanu maana soo booqanay dadkii reer Somaliland ee ku dhaawacmay dagaalkii...
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa saaka dhagaxdhigay dhismaha xaafad cusub oo ay magaalada Kismaayo ka hirgelin doonaan ganacsato Soomaaliyeed.
Bilan State waa magaca xaafadda ay ganacsatu doonayaan in ay ka dhisaan magaalada Kismaayo, ayadoo xaafaddan loo dhisi doono hab casri ah islamarkaana ay u dhameystirnaan doonaan dhammaan adeegyada...
Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa khudbad dheer ka jeediyay kulan Golaha Ammaanka ay ku yeesheen magaalada New York.
Khudbadda Micheal Keating oo qaadatay daqiiqado badan ayaa waxaa uu kaga hadlay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ee sanadkii 2017, isbedelkii nabadeed ee...


















