Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray deegaanno hoostaga gobolka Bakool, gaar ahaan deegaanka Dudumaale oo 30-KM u jira degmada Xudur.
Dagaalkan oo ay qaadeen ciidamada dowladda ayaa waxaa ay ku beegsadeen fariisin Al-shabaab ay isku uruursanayeen, halkaasi labada dhinac...
Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya oo Mooshin ka Dhan ah Qaar kamid ah Xildhibaanadu Soo Gudbiyeen.
Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari u gudbiyay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka.
Xildhibaanada oo soo saaray warqad qoraal ah oo ay warbaahinta u Akhriyeen ayaa ujeedka Mooshinkooda waxaa ay ku sheegeen mid kalsoonida lagala noqonayo guddoomiye Jawaari.
Sida ku...
Mudanayaasha golaha Aqalka sare ee Soomaliya ayaa lagu wadaa in fadhigooda ay maanta uga doodaan xeerkii maalin ka hor soo meelmariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ku aadanaa in dalka laga mamnuucay Shirkadda DP World.
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay dhammaan heshiisyadii ay shirkadda DP World ka sameysay...
Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dooday Qodob ku aadan Weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid December 30, 2017.
Dooda Kulankan oo soctay mudo Saacado ah ayaa ugu dambeyntii Xildhibaanada Aqalka Sare ay soo jeediyeen in loo saaro guddi, maadaama Xildhibaan Cabdi Qeybdiid...
Kaddib markii dhawaannahay ay jireen warar sheegayay in qaar ka mid ah gacansato iyo milkiilayaasha Garoomada yar yar ee lagu ciyaaro Kubadda ay qaateen Amaro ay dul dhigeen Al-shabaab ayeey maanta Wasaaradda Amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya digniin u dirtay ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Afhayeenka...
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cali Xaashi ayaa ka hadlay shir ku saabsan Kalluumaysiga Soomaaliya oo ka socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Wasiirka ayaa sheegay in kulankani oo ay ka qayb galayaan qaar ka mid ah maamullada Dalka lagu jeex-jexi doono sidii looga faa’iideysan lahaa...
Ciidamada Amniga dalka Masar ayaa xirxiray dhalinyaro Soomaaliyeed oo dhalinyaro Soomaaliyeed, kaddib howlgal ay ka sameeyeen qeybo ka id ah xaafadaha degmada Nasri City oo ah meel si weyn Soomaalida ay u degan yihiin.
Sida ay xaqiijiyeen Jaaliyadda Soomaalida ah ee ku nool magaalada Qaahira ciidamada Amniga oo aad u...
Saraakiil Qaramada Midoobey oo shalay gelinkii dambe gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa kulan la qaatay ku-simaha madaxweynaha Goboleedka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Amniga, Xassan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay).
Saraakiishan oo ka tirsan Booliska Qaramada Midoobey ayaa muddooyinkan dambe maamulka Koonfur Galbeed kala shaqaynaayay dhinaca ciidamada iyo Arrimaha...
Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaliya ayaa maanta Kalfadhiga 3aad kulankiisa koobaad ku leh xarunta ay ku shiraan ee magaladda Muqdisho sida qaar ka mid ah xildhibaannada u sheegeen warbaahinta.
Kulanka maanta ee xubnaha Aqalka Sare ayaa waxaa looga doodi doonaa dhowr Ajande waxaana ugu weyn xeerka dhowridda gobonimada iyo...
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Wareysi gaar ah siinayay TV Hon Cable ayaa sheegay in xiligan munaasab ku aheyn wadahadal ay la galaan Soomaaliya.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay munaasabadii furitaanka Kalfadhigii 3aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dhaqse u bilaabayaan wada hadaladii...


















