Friday, November 13, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay dil galinkii danbe ee shalay degmada Waaberi loogu geystay Cumar Dalxa oo ka tirsanaa shaqaalaha Baarlamaanka gaar ahaan qeybta Qasnajiga. Guddoomiye Mursal ayaa marka hore sheegay in Golaha Shacabka ehelada Marxuum Cumar Dalxa uu uga tacsiyadeynayo geeridan...
Rag bastoolado ku hubeysan ayaa lagu waramayaa in subaxnimadii hore ee saakay siyaabo kala duwan ugu toogteen degmada Wadajir Labo ruux oo la sheegay in mid ka mid ah uu ahaa macalin dugsi Qur’aan. Maamulka degmada Wadajir ayaa sheegay in salaadii subax saakay kaddib rag hubeysan gurigiisa ugu galeen Nin...
Rag hubeysan ayaa lagu waramayaa in goor dhaw oo maanta ah ku dileen degmada Waabari ee magaalada Muqdisho qof ka tirsanaa shaqaalaha Golaha Shacabka sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugnaa goobta uu dilka dhacay. Qofka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cumar Dalax, sidoo kale waxaa werarka ku...
Rabshadihii ugu xooga badnaa mudo sanado ah ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool, kaas oo lagaga soo horjeedo Somaliland. Dhowr qof ayaa dhaawac ka soo gaadhey rabshadahaas kuwaas oo la gaadhsiiyey isbitaalka Laascaanood oo inta badan rabshadahaasi ay ku soo gabagaboobeen. Ciidanka booliska oo adeegsanaya Rasaas gumuc ah ayaa...
Magaalooyin Cadaado iyo Dhuusa-Mareeb oo ay kala fadhiyaan mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Galmudug ayaa waxaa ka soconaya dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda. Magaalada Cadaado ayaa waxaa saacadihii ugu danbeeyay gaaray qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Galmudug, iyaga oo ka jawaabaya baaqa guddoomiyaha baarlamaanka Cali Gacal Casir, waxaana lagu...
Midowga Africa ayaa muujinaya walaaca ay ka qabaan faragelinta shisheeye ee l;agu hayo Soomaaliya, kdadib kulan uu magaalada Addis-Ababa ku dhaxmaray guddoomiyaha midowga Africa iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. Muse Faki guddoomiyaha Midowga Africa iyo ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihin, Siyaasadda,...
 Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta su’aalo weydiinaya Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan. Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu wargaliyay in maanta uu jiro kulanka Baarlamaanka, waxaana kulanka shir guddoominaya gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Mudanayaasha ayaa su’aalo weydiinaya Wasiirka Waxbarashada, gaar ahaan xildhibaannada ayeey su’aalahooda la...
Saraakiil Maraykana ayaa u jooga Kuuriyada Woqooyi sidii uu u suurtoobi lahaa shir madaxeed ay yeeshaan Madaxweyne Trump iyo Kim Jong-un. Wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka ayaa xaqiijisay in wada xaajood ka socdo dhanka Woqooyiga ee magaalada Panmonjom ee ku taalla xadka labada Kuuriya u dhexeeya ee milatariga ka caaggan. Danjirihii hore...
Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa sheegay in dowladda federaalka sida uu hadalka u dhigay u gaftay maamul gobolleedka Galmudug, isaga oo sheegay in aysan jirin wax lagu tilmaamay Ahlu Sunna iyo Galmudug. Dhinaca kale waxaa ka hor yimid baaqii Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya...
Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee maxkamada sare Ibraahim Iidle Suleymaan oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadista lagu sameeyay. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyahii Maxakamadda Sare ee dalka Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan, waxaa...