Friday, November 13, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Kooxo hubeysan ayaa habeennimadii xalay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir lagu waramayaa in ay ku toogteen labo Wiil oo dhalinyaro ah sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadka degmada, gaar ahaan aaga uu dilku ka dhacay ee xaafadda Suuq Bacaad. Waxaa goobta ka baxsaday raggii toogashada geystay oo la sheegay in...
Dowladda Talyaaniga ayaa markii ugu horeysay ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ku wareejisay gadiid casri ah oo ka mid ah gadiid ugu qaalisan dunida kuwaa oo ay ku xiran yihiin qalabka looga hortago Qaraxyada. Safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa Taliyaha ciidamada Booliska Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ku wareejiyay furayaasha gaadiidkan oo...
 Rag bastoolado ku hubeysan ayaa lagu waramaya in xalay degmada Baardheere ee gobolka Gedo ku dileen Sheekh Cabdiraxmaan Shariif oo ka mid ahaa culimada ugu caansan gobolka. Alle ha u naxariistee Shiikha la dilay ayaa lagu magacaabaa Shiikh C/raxmaan Shariif, waxaana la dilay xalay fiidkii hore sida ay soo sheegeen...
Maxkamadda Dastuuriga  ah Madagascar ayaa dowladda u qabatay iney muddo 4 maalmood ah ay xilka kaga degto, ama ay toddoba maalmood gudahood ku soo dhisto dowlad loo dhan yahay. Hoggaamiyaha dalka ayaa waxuu ku guul darreystay inuu soo afjaro muranka siyaasadeed ee taagneyd tani yo jimcihi la soo dhaafay, iyada...
Wararka ka imanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in uu halkaa dagaal culus ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan kuwa dowlad gobolleedka Puntland iyo xooggag loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka labada dhinac uu socday dhawr saacadood oo xiriir...
Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in Askari horay uga tirsanaa ciidamada Puntland uu toogasho ku dilay Wiil iyo Aabihii. Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo ee dowlad gobolleedka Puntland Maxamed Yaasiin Axmed ayaa shegay in Askarigan oo horay loogu ruqseeyay ciidamada uu rasaas ku furay dad ku sugnaa...
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaa ay isaga baxeen ciidmada dowladda Soomaaliya oo bilihii ugu danbeeyay gacanta ku hayay gacan ku heynta deegaanka. Al-shabaab ayaa sheegtay in ay si buuxda ula wareegeen maamulka deegaanka Moqokori kaddib dagaal culus oo halkaa ku dhaxmaray ciidamada...
Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare Koofurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka soo degey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kadib markii ay maalmihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi. Madaxdan ayaa waxaa garoonka caalamiga ah Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay...
Ra’iisul wasaaraha dalka Spain Mariano Rajoy ayaa shaqadii laga eryay kadib markii ay codka kalsoonida uu u qaaday Baarlamaanka dalka Spain. Hogaamiyaha  xisbiga hantiwadaaga Pedro Sanchez oo baarlamaanka geeyay mooshin ka dhan ah  ra’iisal wasaaraha kuna eedeeyay musuqmaasuq ayaa noqonaya ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Spain. “Waxaan bilaabaynaa bog cusub oo...