Axmed Madoobe oo Sheegay in uu Tilaabo Adag Qaadi Doono Hadii aan wax iska Bedelin Siyaasadda Soomaaliya.

0
292

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa ka digay in dawladnimada Soomaaliya ay ku socoto jid khatar ah, isagoo ku eedeeyay hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) inay wiiqayaan nidaamka federaalka isla markaana awoodda ku ururinayaan Muqdisho.

Axmed Madoobe oo ka hadlayay furitaanka kalfadhiga cusub ee Baarlamaanka Jubbaland, ayaa sheegay in maanta dawladnimadii Soomaaliya ay ku koobantay Muqdisho, halka maamullada kale laga leexinayo doorkoodii dastuuriga ahaa.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta Somaliland, isagoo sheegay in ay xaq u leeyihiin inay raadsadaan masiirkooda siyaasadeed, balse uu ku tilmaamay inay u mareen waddo dheer halkii ay ka mari lahaayeen waddo Soomaali dhexdeeda ah, Wuxuu ka digay in jihada hadda lagu socdo ay dhalin karto khataro cusub oo qaran.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in haddii aan wax laga qaban qaabka uu u maamulayo dalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ay dhici karto in Puntland iyo Jubbaland ay qaataan waddo ay iyagu isugu tashadaan, taas oo ka fogaan karta xalka lagu raadinayo Somaliland.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa sheegay in go’aannada ka soo baxay DFS ee la xiriira dekedaha iyo hawada Soomaaliya aysan waxba ka beddeli karin xaqiiqada ka jirta dhulka, isagoo xusay in dowladda federaalka ay ku fashilantay xakameynta hawada dalka, isla markaana ay adkaan doonto inay maamusho dekedaha Jubbaland.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jubbaland ayaa shaaciyay in haddii Madaxweyne Xasan Sheekh uusan jawaab ka bixin 20 maalmood gudahood, Jubbaland ay bilaabi doonto hannaankeeda doorasho, taas oo aan sugi doonin 15-ka May, balse la qaban doono ka hor.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, taas oo cabsi gelisay in dalka uu wajaho marxalad siyaasadeed oo aad u adag.