Tuesday, August 18, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Warar ka imanaya degmada Xeraale ee gobolka Galguduud ayaa sheegaay in xalay saqdii dhexe uu halkaa ka dhacay dagaal culus oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dad ku sugan degmada ayaa sheegaya in warbaahinta u sheegay in dagaalka uu u dhaxeeyo ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug iyo maleeshiyaad...
Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed ayaa booqasho ku tagay markii ugu horeysay xerada barakacayaasha Gedeo ee deegaanka Shucuubta Koonfureed ka tirsan. Dadka barakacayaasha ah ee uu ra’iisal wasaaruhu la kulmay waxaa ay u soo jeediyeen cabashadood iyo baahiyaha kala duwan oo ay qabaan. Waxaa uu Abiy u ballan qaaday...
Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaallada degmada Cadalle ee u dhaxeeya labada maleeshiyo beelleed. “Waxaa ku baaqayaa in si deg deg ah lagu joojiyo dagaal beeleedka degmada Cadale, marar badan ayay dadaal badan ku bixiyeen dowlad goboleedka Hir-Shabeelle sidii...
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xoogagga Ururka Al-shabaab dib ula wareegeen deegaanno ay ka baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka cabanaya mishaar la’aan. Dadka degmada Dhanaane ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkayeen gaadiidka saacadihii ugu danbeeyay gaadiidka dagaalka Al-shabaab oo...
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa ka war bixiyay natiijada booqasho labo maalin qaadatay oo dalka uu ku yimid madaxwaynaha dalka aan walaalaha nahay ee Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo si qota dheer uga war bixiyay xariirka walaatinnimo ee ka dhexeeya...
Askari ka tirsan ciidanka Dowladda ayaa meel ku dhaw isgoyska Taleex ee Magaalada Muqdisho waxa uu ku dilay Wiil Mooto Bajaajle ahaa. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan kahor inta aanu falka dhicin inay wada murmeen askariga iyo marxuumka la toogtay. Wiilka Mooto Bajaajta watay ee la dilay ayaa doonayay inuu maro...
Ciidamo ka tirsan Midowga Afrika ee AMISOM ayaa gelinkii dambe ee maanta waxaa qarax Miino lagula eegtay Deg. Garas-baaley gaar ahaan aagga Weedow. Qaraxan oo ka dhashay miinada nuuca dhulka la geliyo ayaa haleelay mid ka mid ah kolonyada ay wateen ciidanka AMISOM, sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tirsan...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo gabagabeeyay booqashadii labada maalmood ahayd ee uu ku yimid magaalada Muqdisho kaddib martiqaad uu ka helay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Geelle ayaa ka hor intii aanu ka duulin Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle,...
Madaxweynayaasha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo dhiggiisa iyo Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir xariga uga jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya. Munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha safaarada cusub ee Jabuuti ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiinta ugu sareysa labada dowladood ee Jabuuti...
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in maleeshiyaad hubaysan oo taageeraya dowladda Fedraalka Soomaaliya ay khaarijiyeen sargaal sare oo katirsanaa Alshabaab. Sargaalka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Gargaduud ayaa Alshabaab uqaabilsanaa degaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose waxaana wararku ay sheegayaan in lala dilay rag isaga...