Shan arday ayaa ku geeryooday 10 kalana waa ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso, sida laga soo xigtay saraakiisha deegaanka.
Ardaydan ayaa kusii jeeday deegaanka Laag 00 30km ujirta Boosaaso, kaddib markii gaarigii ay wateen uu waddada ka baxay.Wararka ayaa sheegaya ardayda inay dhiganayeen fasalka...
Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa dardar galisay u qareemidda haweenka doonaya inay ka mid noqdaan golayaasha deegaanka ee Puntland.
Kulankii ugu horreyay oo lagu taageerrayo haweenka ka mid noqonaya golaha deegaanka ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo,iyadoo kulanka ay soo qaban qaabiysay Wasaaradda Haweenka Puntland oo kaashanaysa hay'adda...
Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Maxamed oo markii ugu horeysay ka hadlay gadoodka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee mishaar la’aanta ka cabanaya ayaa sheegay in marnaba Wasiirradu raali ka noqon doonin la dulmiyo ciidamada.
Wuxuu sheegay in Wasaarradu u dhaga-nugshahay islamarkaana tixgalin doonto cabashada ciidamada haddii ay soo maraan...
Munaasabad iskugu jirtay duco iyo salaadda Jimce ayaa todobo beri kadib lagu qabtey afaafka hore ee masaajidkii lagu laayey dad Musliim ah magaalda Christchurch ee dalka New Zealand.
Munaasabada Aaska dadka ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa ra’iisul wasaarhaa dalka New Zealand iyo madaxda dalkaasi qaarkood. Waxaa kulankaan maanta kadib...
Shirkii golaha Wasiirada Somaliland ayaa maanta ansixiyey siyaasada shaqaalaha rayidka ah, sidoo kale waxa goluhu soo jeediyey in la horkeeno xeerka maamulka dhulka ee wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta, si xal waara loogu helo khilaafaadka dhulka.
Shirkan waxa shirgudoominayey madaxweyne Biixi waxaana ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan...
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium uga qayb galay shir looga hadlayo ka hor-tagga iyo la dagaallanka rabshadaha salka ku haya Xag-jirnimada.
Shirka oo maanta furmay qorshuhuna yahay in uu soo xirmo berri oo Jimce ah ayaa si gaar ah...
Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho,iyadoo kulanka uu guddoomiyay guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Kulanka ayaa inta uu socday looga hadlay arrimo quseeya Baarlamaanka,waxaana lagu mudeeyay xilliga uu furmayo kalfadhiga 5aad ee golaha Baarlamaanka.
Guddiga ayaa shaaciyay fadhiga 5aad ee Baarlamaanka...
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daahfuray mashruuc ballaaran oo taageerraya waxbarashada Puntland,iyadoo oo ay ku baxayso adduun lacageed oo dhan 7.2 Milyan oo doollarka Marekanka ah.
Mashruucan oo uu taageerrayo Midowga Yurub ayaa loogu yeera 'Waxbarashadu Waa Iftiin' , waxaana daahfurka saddexaad ka qaybgalay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya,...
Dowladda dalka New Zealand ayaa sheegtay in ay joojin doonto isticmaalka nuucyada hubka ee dadka rayidka ah, ka dib markii dalkaasi ay soo mareen xaaladdii ugu xumeyd ee lagu laayo 50-ruux oo ku jiray Masjid.
Ra’iisal wasaaraha dalkaasi haweeneyda lagu magacaabo acinda Ardern ayaa sheegtay in la mamnuuci doono dhammaan...
Dowladda Mareykanka ayaa amar ku bixisay in dib loo eego ruqsadda duullimaadka diaayaradaha Boeing 737 Max 8 sida ay ku heleen.
Go'aanka Mareykanka ayaa imanaya xilli ay 5 bilood gudahood laba diyaaradood oo nooca 737 Max 8 ay burbureen, iyada oo ay khubarada ku xeel dheer arrimaha duullimaadyada diyaaradaha ay...


















