Tuesday, August 18, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda u muuqata mid wajaheysa culeys uga imanaya dhinaca ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka cabanaya mushaarax la’aan dhowr bilood ah oo soo food saartay. Qaar ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo warbaahinta kula hadlay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku hanjabay in ay...
  Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisoe) ayaa maanta dhagax dhigay Xarunta Waaxda Barwaaqo ee Degmada Warta-Nabadda. Guddoomiyaha oo munaasabadda dhagax-dhigga ka hadlay ayaa sheegay in muhiimad weyn ay u leedahay bulshada ku dhaqan Waaxda Barwaaqo ee dib-u-dhiska lagu sameenayo, si ay ugu helaan adeegyada...
  Wasiirada Caafimaadka dalalka Soomaaliya iyo Masar Drs. Fowzia Abiikar iyo Drs Hala Zaid ayaa magaalada Qaahira ee Xarunta dalka Masar ku kala saxiixday heshiis Baratakool ee iskaashi una dhaxeeya wasaaradaha Caafimaadka ee labadan dal. Wuxuuna heshiiskaan ay labada wasiir kala saxiideen uu ka tarjumayaa hogaanka suuban ee madaxda dalalka Soomaaliya...
Waxaa saaka xiran inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Dadka ayaa saaka kusoo toosay iyadoo ay xiran yihiin wadooyinka waxaana jirin gaadiid isticmaalaya wadooyinka xiran dadkuna waa kuwa lugeynaya. Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada federaalja gaar ahaan kuwa loo yaqaan koofi casta ayaa lagu arkayaa wadooyinka xiran iyadoona aan...
Maamulka gobolka Banaadir ayaa Qoys Soomaaliyeed ku wareejiyey gurigooda oo in mudda ah gacantooda ka maqnaa, gurigan la wareejiyey ayaa waxa uu yahay guri caan ah loona yaqaano Sarta Beyxaani ee degmada Shibis. Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Yariisow ayaa sheegay in laga soo gudbay xilligii shacabka hantidooda xoog lagu heysan...
Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eg.Yarisow) oo ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayo Tubta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in la xoojinayo isla xisaabtanka dhammaan waaxyaha Maamul ee arrinkan u xilsaaran. Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey guulihii laga gaaray wajigii hore...
Madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka ayaa ka qaybgalay Salaada Janaasada ee Marxuum Xillibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya oo ka mid ahaa dadkii ku geeryooday weerar ay al-Shabaab ka geysteen Sabtidii shalay xarunta wasaaradda shaqada. Salaada Janaasada oo marxuumka lagula...
Dowladda Turkiga oo saaxiib dhaw la ah Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarradii Sabtidii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ku dhinteen in ka badan 10 ruux. War ka soo baxay Wasaarradda arrimaha dibidda ayaa lagu sheegay in dowladda Turkiga si adag u cambaareyneyso weerarrada Qarax-yada loo adeegsaday oo lagu bartilmaameedsaday labo...
Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Daahir Aadan Cilmi Idhaqarshe oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay kulan amniga looga hadlayay oo ku soo dhamaaday magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhawaan la bilaabayo howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab. Taliyaha ayaa sheegay in kulanka oo ahaa mid uu ra’iisal...