Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow), gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhacdo saaka askari ka tirsan Booliska Soomaaliya uu dil ugu geystay mid kamid ah dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in uu cambaareeynayo dilka loo geystay darawalkii Bajaajta iyo shaqsigiii la saarnaa,...
Wadeyaasha ku shaqeysta gaadiidka Mooto Bajaajta ee magaalada Muqdisho ayaa dibadbaxyo ka dhigaya isgoyska howlwadaag ee magaalada Muqdisho, halkaasoo saaka askari ka tirsan Booliska uu ku dilay wiil kamid ah dhalinyarada ku shaqeysta Mooto Bajaajta.
Dadkan oo aad u careeysan ayaa dhigaya dibadbax rabashado wata, ayadoo wadooyinka ku gubaya Taayarro.
Qaar...
Askari ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya ee ku sugan isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho ayaa toogasho ku dilay mid kamid ah dhalinyarada ku shaqeysata bajaajta ee magaalada Muqdisho.
Sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen dad ka agdhawaad goobta uu shilku ka dhacay, waxa uu muran dhexmaray ninka Bajaajlaha ah iyo askari...
Mudaneyaasha golaha shacabka dalka ayaa lagu wadaa in ay maanta ka doodaan xaaladda amniga dalka, ayadoo kulankan uu yahay mid mudaneyaashu ay dhexdooda doodi doonaan.
Todobaadkii aynu soo dhaafnay horaantiisii ayuu baaqday kulan ay mudaneyaashu su’aalo ku weeydiin lahaayeen hay’adda amniga dalka, kadib markii uu buuq hareeyay fadhigii golaha taasoo...
Ayadoo inta badan gobollada dalka lagu qabtay munaasbado kala duwan oo loogu dabaaldegayo aasaaskii ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ay ku beegantahay sanadguuradii 59-aad ayaa waxaa xuska munaasabadda lagu qabtay taliska qeybta 43-aad ee guutada 11-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybtooda Jubbaland.
Xuska munaasbadda waxaa ka qeybgalay saraakiil ka...
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre, iyo maamulaha USAID, Mark Green, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.
Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa la iskula soo qaaday ballaarinta iyo dardar-gelinta dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada, caaafimaadka, nafaqeynta iyo shaqo abuurka dhallinyarada.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa Mark Green u...
Booliiska magaalada London ayaa baaraya dilka Nur Bashir Salad oo ahaa muwaadin Soomaaliyeed kaa oo dilkiisa loo adeegsaday mindi sida laga soo xigtay saraakiisha Booliiska.
Sida ay saraakiishu sheegeen weerarka oo dhacay Isniintii toddobaadka ayuu Nur 22 sano jir ahaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerarka lagu qaaday.
Cidna wali...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay tirakoobka ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in muddadii ay dib u habeynta ciidamada ku jirtay dowladdiisu ay soo wajaheen caqabado aad u waaweyn.
‘’Tirakoobku waa is badal, isbadalku-na dadka ma jacla, sidaa daraadeed caqabado ayaa naga soo food saartay, laakiin hadda...
Inkastoo ay rumoowday rajadii dadka reer Sudan ay ka qabeen in mar uun uu xukunka banneeyo madaxweyne Cumar Xassan Al-Bashiir oo waqti dheer dalkaasi soo maamulayay, haddana wali waxaa jira diidmo ka imaneysa dadka dibadbaxayaasha ah oo diidan xukunka militariga la wareegay tallada dalka.
Dadka dibadbaxa dhigaya ayaa ku doodaya...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Saraakiisha, saraakiil xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda oo maalinta berri ah u dabbaal-degaya sannad guuradii 59-aad ee ka soo wareegtay markii la asaasay.
Madaxweynaha oo munaasabadda xuska maalintan kaga qayb galay...

















