Ciidanka Cirka Dawladda Ethiopia oo Maanta Mar kale Duqeyn ka Geystey Deegaanada Tigray Maamulaan.

0
429

Ciidamada Cirka ee Itoobiya ayaa galinkii hore ee maanta  duqaymo cirka ah la beegsatay qaybo kamida magaalada Mekele ee degaanka Tigray.

TPLF ayaa sheegtay in duqaymahan lala beegsaday dad shacab ah, iyo goobo ay leeyihiin dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Balse Dawladda Itoobiya oo duqaymahan ka hadashay ayaa sheegtay in goobaha la duqeeyay ay lahaayeen kooxda TPLF, iyagoo ku kaydin jiray hubka culus.

Isniintii ayay ahayd markii duqaymo noocan oo kale ah ay ka dhaceen isla magaalada Mekele, kuwaas oo la sheegay inay ku dhinteen 3 qof qof oo rayid ah, dad badana ay ku dhaawacmeen.

Colaadda ka taagan gobolka Tigray ee u dhaxaysa kooxda TPLF iyo dawladda Itoobiya ayaa muddo soo socotay, iyadoo dagaalada labada dhinac u dhaxeeya oo wali halkoodii kasii socda uu keenay barakac aad u wayn, iyo waliba khasaare aad u ballaaran oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Geesta kale labada dhinac ee dagaalku ka dhaxeeyo ayaa mid walba uu sheeganayaa guulo waawayn, mana jirto ilaa iyo hadda warar madax banaan oo caddaynaya sheegashada labada dhinac TPLF iyo dawladda Itoobiya.

  1.