Laga bilaabo galinkii dambe ee maanta ayaa waxaa si guud dalka Itoobiya ooga maqan khadka Internetka, gaar ahaan baraha ay bulshadu kuwada xiriirto sida, Facebook, iyo Whatsapp.
Lama oga sababta loo jaray khadka Internetka, balse wararka qaar ayaa sheegaya in dowladdu sababo aan wali la ogaan ay khadka u jartay.
Tan...
Cutubyo ka tirsan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo ay wehliyaan kumaandooska Turkiga iyo ciidamo ka socda dalka Azerbaijan ayaa ka qeyb qaatay xusuus loo sameeyay askartii Cusmaaniyiinta ee lagu dilay dagaalkii 1aad ee Adduunka.
Saddexda qeybood ee ciiddanka ayaa xuskaan ku sameeyay buurta Davraz oo gobolka Isparta dalka Turkiga, si ay...
Shacabka ku dhaqan magaalada Godey ayaa saaka isugu soo baxay banaanbax ay ku taageerayeen ciidamada qaranka Itoobiya, kagana soo horjeedaan fallaagada TPLF, ee dagaalka kula jirta dowladda Itoobiya.
Shacabka ayaa watay boodhadh ay ku qornaayeen hal ku dhagyo muujinaya sida uu shacabku uga soo horjeedo kooxda dagaalka kula jirta dowladda.
Banaanbaxyada...
Booliiska Uganda ayaa helay bambaanooyin badan kadib howlgal ay sameeyeen ciiddanka wadajirka ah ee la dagaalanka argigixisada kuwaas oo sheegay in ay burburiyeen unugyo argagixiso kadib weeraradii ugu dambeeyay.
Booliiska ayaa falkan u xiray Muwonge Yusuf, oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyo qaraxyadii dhawaan ka dhacay Kireka-Biira, iyo mulkiilaha guriga...
Maraykanka ayaa dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada ku booriyay in si deg deg ah lsoo dhameystiro doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya, ka hor dhammaadka 2021.
Qoraal lagu daabacay barta Twitterka ee safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in la dardargeliyo hannaanka doorashada.
Doorashada Soomaaliya ayay dib u...
Afhayeenka kooxda TPLF, Getachew Reda oo waraysi siiyay idaacadda BBCda ayaa sheegay in dano gaar aysan ka lahayn galitaanka Addis Ababa, isla markaana aysan ku jirin damaca ah inay xukunka la wareegaan, balse ay u dan leeyihiin oo kaliya inay ka hortagaan khatar kasta oo shacabka Tigray kaga imaan...
Madaxii hore ee dugsiga Muslimiinta Sweden, Cabdirisaaq Waaberi ahna Gudoomiyaha Xisbiga Midnimo Qaran oo Gudaha Dalka Soomaaliya Ka Jira ayaa lagu eedeeyay inuu malaayiin karoon Swedish ah uu musuq maasuqay , iyadoo la sheegay in lacagtaas lagu maalgaliyay ururo siyaasiyeed iyo kuwa Islaamiyiin ah oo ka jira gudaha Soomaaliya.
Cabdirisaaq...
Kulan ay maanta isugu yimaadeen golaha Baarlamaanka Itoobiya ayaa waxaa lagu ansixiyay bayaanka xaaladda deg degga ah ee dalka lagu soo rogayo, taas oo dhawaan ay ku dhawaaqeen golaha wasiirada ee Itoobiya.
Ansixinta xaaladda deg degga ah ee lagu soo rogay dalka Itoobiya ayaa ka dhigan in si buuxda u...
Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya (KDF), Jeneraal Robert Kibochi ayaa sheegay in Kenya iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xuduud wadaag ah, sidaas darteedna loo baahan yahay in si wadajir ah xal loogu helo muranka ka dhaxeeya.
"Soomaaliya iyo Kenya waa deris, waxaa loo baahan yahay in aan ku heshiinno inaan ku...
Guddida fulinta ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo maanta yeeshay kulan degdeg ah, ayaa waxay soo saareen War-saxaafadeed lagaga hadlayay qodobo muhiim u ah shacabka dowlad degaanka Soomaalida.
Haddaba War saxaafadeedkan oo dheeraa ayaa ugu horeyn lagaga hadlay dhibkii ay kooxda TPLF ugaysatay shacabka dowlad degaanka Soomaalida mudadii ay xilka...


















