Saturday, August 15, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan deegaanka Farjano oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada degmada Feerfeer ee dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa dalbaday in gurmadyo deg deg ah lala soo gaaro dadka ku dhaqan deegaanada hoos taga degmada Feerfeer. Waxgaradka ku nool deegaanada hoostaga degmada Feefeer ayaa ku eedeeyay maamulka...
Itoobiya ayaa sheegtay inay isu diyaarinayso inay gasho magaalada Maqalle ee xarunta gobolka dhibaatooyinku ka aloosan yihiin ee Tigray. Janaraal sare oo ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo lagu magacaabo Jeneral Abebaw Tadesse, ayaa waraysi uu siiyayay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ku sheegay in ciidamadu ay gali doonaan Maqalle, isla...
Dawladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay qaddiyadda aqoonsiga Somaliland, ka dib markii dhawaan baarlamaanka UK ay dood ka yeesheen arrintan. Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa sheegtay in Kenya ay Somaliland ula dhaqanto sidii qayb ka mid ah jamhuuriyadda Soomaaliya. Raychelle Omamo ayaa bayaan ay soo saartay ku...
Shir jaraa'id oo uu qabtay Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya Dina Mufti, ayaa gabagabadii shirkaa jaraa'id waxay wariyaasha qaar su'aalo ka waydiiyeen booqashadii dhawaan uu dalkan Itoobiya ku yimid Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Afhayeenku waxa uu sheegay in imaanshiyaha Madaxwaynaha Somaliland ee Itoobiya, aysan dhaawac u gaysanaynin xiriirka...
Wasiirka dowlada Ingiriiska ee arrimaha Afrika Vicky Ford, ayaa sheegtay in dooda baarlamaanka Ingiriisku shalay ka yeeshay aqoonsiga Somaliland ay muujinayso halka ay Somaliland dowladeeda ka taagantahay, waxayna dhinaca kale arrimaha aqoonsiga ku riixday in Somaliland iyo Soomaaliya go'aan ka gaadhaan. Ford ayaa qoraal ay ku baahisay barteeda Twitterka ku...
Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed oo ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen, Qurbajoogta Itoobiya ee dhawaan dalka Itoobiya kusoo laabtay, ayaa waxa uu soo hadal qaaday arrimo ku saabsan Calanka Itoobiya. Waxa uu sheegay Ra'iisal wasaaruhu in ciddii ka hortimaadda Calankan dalka Itoobiya ka wada dhaxeeya, inay la kulmi...
Wasiirka dowladda UK u qaabilsan Afrika, Vicky Ford MP, ayaa maanta (17 Janaayo 2022) ku dhawaaqday 10 milyan oo dollar oo ay UK ku taageerayso dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha ba’an. Vicky Ford MP ayaa taageeradan waxay kaga dhawaaqday iyadoo ku sugan gudaha dalka Kenya, halkaas oo ay ku...
Baarlamaanka Dowlada Ingiriiska ayaa maalinta berri ee 18 bishan Janaayo u balansan dood lagu niqaashi doono "aqoonsiga Somaliland", oo uu baarlamaanka usoo gudbiyey xildhibaan  Gavin Williamson. Baarlamaanka Ingiriiska oo marar hore wax kasoo hadal qaaday qadiyada aqoonsiga Somaliland, ayaa mar kale berri toole wax iska waydiin doona arrintan. Dhinaca kale Wasaarada...
Midowga Yurub ayaa walaac ka muujiyay mustaqbalka howlgallada ka dhanka ah burcadbadeedda ee xeebaha Soomaaliya, xilli ay muddo kooban ka harsan tahay waajibaadka howlgalka la dagaalanka burcad badeedda. Bishii hore, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay u codeeyeen in dhammaan howlgallada ciidamada badda ee caalamiga ah lagu kordhiyo saddex...
Samantha Lewthwaite, oo ah haweeney u dhalatay dalka Britain oo katirsan kooxda Alshabaab oo loo maleynayo in ay mas’uul ka tahay dhimashada boqolaal qof ayaa u qaxday dalka Yemen, sida ay sheegeen laamaha ammaanka. Dhawaan ayey aheyd markii ay todobo sano oo ay la joogtay ninkeedii afaraad oo ahaa hoggaamiye...