Xaaladda xuquuqul insaanka ee Soomaaliya ayaa si weyn isha loogu wada hayay todobaadkii la soo dhaafay iyadoo ay booqashadeedii ugu horreysay ku tagtay Khabiir madax-banaan oo Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimahan.
Isha Dyfan, waxay sheegtay inay kusoo aragtay Soomaaliya horumar iyo caqabado, iyadoo sidoo kale ku baaqday in la kordhiyo...
Wafti ka socda dowlada Jabuuti oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti Siciid Nuux, oo safar ku yimid Hargaysa, ayaa booqday suuqa Waaheen ee dabku burburiyay.
Waftiga ayaa Hargaysa u yimid si ay shacbiga Somaliland ugu muujiyaan dareen walaalnimo iyo garab istaag wakhtigan adag, iyaga oo sheegay in ay gacan...
Raysal Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson, ayaa sheegay in uu aad uga murugooday dabka galaaftay suuqii ugu waynaa Somaliland ee Waaheen, isagoo sheegay in dowlada Ingriisku gacan ka gaysan doonto dib u dhiskiisa.
Raysal wasaaraha ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Twitterka ku sheegay in ay murugo galisay in uu arko...
Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa sheegtay inaysan aqoonsanayn dukumeentiyada Soomaaliya lagasoo qaato ee ay bixiso dowladda Soomaaliya.
Soomaali badan oo xaraystay barnaamijka baqtiyaa-nasiibka ee loo yaqaano Lottery, ayay arrintaan saameyn ku yeelatay, kuwaas oo dib loogusoo celiyay qoraallo loogu sheegayo in Safaaradda Mareynkanka ee Nairobi aysan aqoonsanayn dekumentiyadooda.
Arrintaan waxay sidoo...
Xildhibaan Faysal Xasan oo ka tirsan xildhibaannada xisbiga mucaaradka ah ee NDP, ayaa kasoo horjeestay tallaabo dowladda Canada ku tarxiilayso Soomaali ku nool dalkaas.
Dowladda Canada ayaa sheegtay inay dalkeeda ka musaafurinayso Soomaali lagu eedeeyay inay ka been sheegeen aqoonsiyada ay ku joogaan dalkaas.
Tarxiilkaan ayaa saamayndoona ku dhawaad shan boqol...
Shirka dowladaha adduunka ee ka socda magaalada Dubai ee waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa galay maalintiisii labaad, iyadoona shirka looga hadlayo caqabadaha ka taagan adduunka iyo xalka suurtagalka.
Shirka waxaa ka qeyb-galaya in ka badan 4,000 oo qof oo ka kala socda 190 waddan. Waxaana ka qeyb-galayaasha kamid ah hoggaamiyaal,...
Dabley hubaysan ayaa 20 qof ku dilay dagaal ka dhacay gobolka dhibka ka taagan ee galbeedka Mexico
Dabley hubeysan ayaa 20 qof ku xasuuqay weerar loo malaynayo inay kooxo gangs ah ka geysteen goob ku taal galbeedka Mexico, mas’uuliyiinta ayaa sheegay in tani ay tahay mid ka mid ah toogasho...
War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda India ayaa lagu cambaareyay weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho 23-kii bishan, kaas oo ay ku dhinteen lix qof.
Dowladda ayaa sheegtay in arrin walaac badan ay tahay kororka weerarrada kooxda Al Shabaab, waxaana ay intaasi ku dartay in argagixisado keliya...
Golaha Ammaanka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradii ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyo magaalada Beledweyne, 23-kii March 2022.
Weerarradaas oo ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab, ayaa lagu dilay in ka badan 50 qof iyo dhaawac intaas ka badan.
Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xariiqay in loo...


















