Safiirka dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Larry Andre ayaa sheegay in aysan A.lshabaab u suurtagali karin inay la wareegaan Soomaaliya, si lamid ah Taliban oo la wareegay Afgaanistan.
Danjire Larry Andre oo ka falcelinayay wareysi laga qaaday hoggaamiye ku xigeenka Alshabaab, Mahad Karate, oo sheegay inay rajeynayaan inay la wareegaan xukunka...
Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed ayaa maanta kulankii Baarlamaanka Itoobiya ka hor sheegay in ay dowladdiisu diyaar u tahay inay wada hadal lagasho kooxda TPLF, oo muddo dheer dagaal kula jirtay dowladda Itoobiya.
Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed waxa uu sheegay in uu sameeyay guddi uu hoggaaminayo Ra'iisal wasaare ku xigeenka...
Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal khadhaadh oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo kooxo hubaysan uu ku dhex marayo magaalada Gambella ee dowlad degaanka Gaambeella, sida ilo xogagaal ahi u sheegeen Warbaahinta.
Kooxahan hubaysan ayaa sida wararku sheegayaan waxay gacanta ku hayaan inta badan magaalada Gambella, iyagoo...
Maraykanka ayaa kordhinaya dadaallada la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya, sida ay sheegtay kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Siyaasadda Victoria Nuland oo la kulantay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhinaca kale, Iyadoo Soomaaliya ay wajaheyso abaaro ba’an iyo cunno la’aan, ayaa ku xigeenka xoghayaha Nuland, waxay ku dhawaaqday in Maraykanka uu ku yaboohay...
Taliyaha guud ee ciidamada Burundi Gen. Prime Niyongabo oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya ayaa la kulmay madaxda Soomaaliya iyo taliyeyaasha ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) si uu u arko horumarka la gaaray. gudashada waajibaadkii loo igmaday.
Gen. Niyongabo ayaa booqday cutubyo ka...
Ciidamada Ruushka ayaa ku sii siqaya magaalada Sievierodonetsk, iyadoo ciidamada Ukraine ay weli sameynayaan iska caabin adag.
Wasiirka difaaca ee Ukraine ayaa sheegay in ciidamadiisa ay filayaan iney ku hawlgalaan gantaallo horumarsan oo ay toddobaadkan ballan qaadeen Maraykanka iyo Ingiriiska, kaasoo Kyiv rajaynayo inuu gacan ka geysto in dagaalka uu...
Mid ka mid ah labo nin oo uu Mareykanku ku raadjoogay oo loo haysto ka ganacsiga daroogada ayaa lagu xiray dalka Kenya.
Badru Abdul Aziz Saleh ayaa laga soo qabtay deegaanka Liboi ee ismaamulka Garissa xili uu doonayay inuu u gudbo dhanka Soomaaliya, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan...
Haweeney 71 jir ah ayaa lagu xukumay xabsi daa’im kaddib marki lagu helay iney seygeeda dishay sanadkii 2018.
Haweeneydan oo lagu magacaabo Nancy Crampton Brophy ayaa qortay buug ay ugu magac dartay’ Sidee ayaad seygaada u dili kartaa.’
Arrintaa oo dhalisay guux badan ayaa waxay keentay in haweeneydii buugga qortay lafteeda...
Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka dalka Kenya, Faarax Macallin, ayaa ku baaqay in dib loo furo xadka Kenya iyo Soomaaliya ee ismaamulada Wajeer iyo Mandheera si loo fududeeyo ganacsiga isaga gudba xuduudka labada dal.
Dowladda kenya ayaa xirtay xuduudka ku dhawaad afar sano ka hor, iyadoo tani ay qeyb...
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump waa in isaga oo dhaaranaya ka jawaabaa su’aalaha xeer-ilaaliyaha guud ee New York oo baaritaan ku haysa hab dhaqankiisa ganacsi, waxaa sidaas Khamiistii xukuntay maxkamadda racfaanka New York.
Guddi garsooreyaal ah oo ka kooban afar, ayaa ayiday go’aan ay bishii Febraayo ridday maxkamad hoose...


















