Danjiraha xukuumadda Ukraine ee Ankara ayaa sheegay in Turkiga uu la wareegay markab Ruushka laga leeyahay oo siday qamadi laga soo xaday Ukraine
Dacwad-oogaha Guud ee Ukraine ayaa Ankara ka codsaday inay qabato markabkan oo lagu magacaabo Zhebek Zhuly, kaasoo ku soo xirtay dekadda Turkiga.
Aqalka Kremlin ayaa sheegay in dhoofinta...
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay xoojinayso iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafaddeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas.
Xoghayaha arrimaha dibada, Antony Blinken ayaa sheegay Maraykanku inuu taageerayo dadaalada Soomaaliya ee ku aadan, dhisidda bulsho adkeysi leh, kobcinta dhaqaalaha, iyo kordhinta amniga Soomaaliya iyo wadamaada deriska.
“Anigoo...
Kitangi Brown-Jackson ayaa loo dhaariyay inay noqdo garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee Mareykanka Khamiista maanta ah, taasoo taariikhda ka dhigaysa haweenaydii ugu horreysay ee madow ah ee ka mid noqota hay’adaha garsoorka ee ugu sarreeya Mareykanka, iyada oo ku biirtay wakhti garsooreyaasha midigtu ay aqlabiyadda maxkamadda ku muquuniyaan...
Dowlada Itoobiya ayaa guddi u magacawday wadahadal lagali doona Jabhadda TPLF, guddigaas oo ka kooban 7 xubnood, ayaa waxaa hoggaaminaya Ra'iisal wasaare ku xigeenka Itoobiya Damake Mekonin.
Guddigan ayaa waxaa ku jira xubno culus oo xilal sare ka haya dowladda federalka Itoobiya, sida Taliyaha Sirdoonka Itoobiya, lataliyaha Ra'iisal wasaare Abiyi...
Dagaal ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhex qarxay ciidamada labada dowladood ee Sudan iyo Itoobiya xili ay maalmahan taagneyd xiisad labada dal u dhexeysay.
Ciidamada Sudan ayaa weerar ku qaaday cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka lagu muransan yahay ee Al Fashaga ka dib markii lagu...
Dowladda Kenya ayaa boqolaal ka tirsan ciidamadeeda soo dhoobtay xuduudka Soomaaliya kadib markii dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen tuulo ka tirsan degmada Mandheera.
Sida laga soo xigtay booliska Kenya, kooxda weerarka geysatay ayaa burburiyay xarun isgaarsiineed oo ku taal magaalada Rhamu.
Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in ay maqleen jug...
Waxaa soo kordhaya dhimashada Dhulgariir xooggan oo ku dhuftay miyiga, gobolka buuralayda ah ee bariga Afqaanistaan, halkaas geeridu ay gaartay 1,000 qof, halka 1,500 kalena ay ku dhaawacmeen.
Waa mid ka mid ah dhulgariiradii ugu dhimashada badnaa ee tobanaan sano ka dhaca dalkaas, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dawladdu,Saraakiishu...
Wararka ka imaanaya degmada Rhamu ee ismaamulka Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab weerar ay ku qaadeen degmadaasi ay ku burburiyeen xarun Isgaarsiineed oo ku taala degmadaasi.
Saraakiil ka tirsan laamaha amniga dalka Kenya ayaa sheegay iney maqleen jug xoogan oo ka dhaceysay...
TV-yada Ruushka ayaa baahiyay muuqaallo ku saabsan Muwaadiniin Mareykan ah oo lagu lagu waayey dalka Ukraine.
Dadkan ayaa la sheegay in halkaasi ay u tageen si ay uga dhinac dagaalamaan ciidamada Ukraine.
Warbaahinta Mareykanka ayaa horay u sheegtay in la la’yahay muwaadiniintan, sidoo kale ehelada dadkan ayaa dhankooda sheegay inaysan ogeyn...
Xaalad lama filaan ah ayaa qabsatay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden kadib markii uu ka dhacay baaskiil uu kaxeynayay xilli uu isku dayay inuu istaago si uu u salaamo taageerayaashiisa.
Madaxweynaha ayaa ku sugnaa gobolka Delaware. Wax dhaawac ah masoo gaarin balse si deg deg ah ayuu isku qabtay.
Wuxuu weriyeyaasha u...


















