Saturday, August 15, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wakaaladda wararka u faafisa dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in ciidamada Itoobiya maanta weerar ku dileen Sheekh Fu’aad Maxamed Qalaf Shangole oo katirsan saraakiisha sar sare ee dagaalyahanada Al Shabaab. Warka lagu daabacay wakaaladda wararka u faafisa Itoobiya ayaa lagu shaaciyay in ciidankooda dileen Sheekh Fu’aad Shangole iyo sidoo kale Sheekh...
Guddoomiyaha Jasiirada Jawa ee dalka Indonesia ayaa ku soo rogay dhammaan dadka guurdoonka ah ee Jawa ku nool inaan la siin doonin rukhsadda ogolaanshaha Guurka ilaa labada qof ee is guursanayaa ay soo dilaan min 25 Dooli. Sidoo kale waxaa shardi ah inay maamulka hor keenaan 25 dooli ee ay...
Dowladda Shiinaha ayaa si weyn uga digtay booqasho la sheegay in bisha soo socota ee Agoosto ku tageyso Taiwan, afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka haweeneyda lagu magacaabo Nancy Pelosi . Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha Zhao Lijian, oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa uga digay dowladda Mareykanka  booqasho la hadal hayo...
Ciidamada Ruushka ayaa magaalada Odesa ku garaacay gantaalaha riddada dheer, duqeyntaasi oo shaki gelisay dhaqan galka heshiiskii shalay la gaaray oo ku saabsanaa in dib loo billaabo dhooffinta hadhuudhka. Ruushka ayaa heshiiskaasi ku ballan qaaday iney wax duqeyn ah ku beegsaneyn maraakiibta xamuulka ee badarka ka soo qaadaya ama geynaya...
Booliska ka howlgala gobolka ay ku taallo magaalada barakaysan ee Maka ee dalka Sacuudiga ayaa waaxda dacwad-oogista u gudbiyay muwaadin lagu eedeeyay inuu ku kacay fal hadal-hayn ka dhex dhaliyay Muslimiinta, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga (SPA). Ninkan oo xabsiga la dhigay ayaa loo haystaa inuu si sharci-darro...
Dowladda Kenya ayaa billowday markii ugu horeysay inay daraasiin Geel ah u tababarto dadaallada wax looga qabanayo amni-darrada ka jirta dalkaas, gaar ahaan Qaraxyada. Ilaa 200 oo neef oo geel ah ayaa lagu tababaray inay diyaar u noqdaan howlgal ku saabsan inay meel fog ka soo baaraan waxyaabaha qarxa, si...
Dowlada Kenya ayaa maanta bilowday bixinta shatiyada dhoofinta Qaadka Miirowga sida uu dhigayo xeerka cusub ka dib markii xanibaada laga qaaday Qaadkii ay u soo dhoofin jirtay Somalia. Masuul ka tirsan Miraa Pyrethrum ayaa sheegay inay heleen illaa hadda ugu yaraan 20 dalab oo ka yimid dadka xiisaynaya dhoofinta Jaadka...
Britain ayaa diiwaangelisay heer kulkeedii abid ugu sarreeyay oo ahaa 40-C (104F) maanta oo Talaado aheyd iyadoo kulaylka Yurub uu sii kordhayo, taasoo ku qasabtay waddooyinka tareenada inay xirmaan ka dib dab ka kacay London oo dhan. London, ayaa dhaaftay heerkii hore ee kuleylka oo ahaa 38.7-C kaasoo la diiwaan...
Afhayeenka TPLF Getachow Reda oo AFP la hadlayay ayaa sheegay in Jabhadda TPLF ay diyaarisay guddidii wadaxaajoodka la gali lahaa dowladda Itoobiya. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo toddobaad ka hor ay xubnihii dhanka dowladda Itoobiya uga qayb gali lahaa wada hadalkan ay daraasad ku sameynayeen qaabkii wada hadal loola gali...
Wasaaradda Caafimaadka dalka galbeedka Afrika ku yaalla ee Ghana ayaa sheegtay in ay xaqiijiyeen labadii kiis ee ugu horeeyay ee VIrus-ka Marburg, oo ah cudur aad u faafa oo la mid ah Ebola. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in labada bukaanba ay ku dhinteen Isbitaalka. Sagaashan iyo siddeed qof...