Saturday, August 15, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa ku gacan seyray natiijada doorashadii madaxtinimo ee Kenya isagoo sheegay in natiijadii lagu dhawaaqay Isniintii shalay ay tahay mid aan waxba ka jirin. Mr Odinga ayaa madaxa guddiga doorashada Kenya ku eedeeyay inuu si cad ugu xad gudbay dastuurka Kenya. "Waxaan gabi ahaanba diidnay natiijada...
Hoggaamiyaha ruug cadaaga ah ee mucaaradka Raila Odinga ayaa hoggaaminaya tartanka madaxtinimada Kenya, sida ay baahisay warbaahinta REUTERS. Iyadoo in ka badan 26% codadka la tiriyay, Odinga ayaa helay 54% halka Ruto uu helay 45%, sida ku cad natiijada ay soo saareen guddiga doorashada Kenya. Natiijada ayaa lagu soo bandhigay shaashad weyn...
Dowlada Maraykanka ayaa xukuumada iyo madaxda mucaaradka Somaliland ugu baaqday in ay kusoo laabtaan miiska wadahadalada. Qoraal kasoo baxay Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dowlada Maraykanku mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland usoo jeedinayso in ay ka fogaadaan qaska siyaasadeed oo ay kusoo laabtaan miiska wadahadalada. "Waxaanu ku boorinaynaa xisbiga...
Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni iyo dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka codsaday in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Geeska Afrika, si ay u dhistaan awoodda ay ku maareyn karaan ammaanka. War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen labada mas’uul ayaa waxay ku...
Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay inuu saddex weerar oo xagga cirka ah ku qaaday kooxda Al-Shabaab, isagoo kaga jawaabayay weerar Alshabaab ay ku qaadeen ciidamo katirsan kuwa xoogga dalka oo ku sugnaa meel u dhow magaalada Beledweyne. Faahfaahin hordhaca ah oo kasoo baxay weerarkan, ayuu taliska Maraykanka ee Afrika,...
Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa si dirqi ah ugu guuleysatay Talaadadii xalay, tartanka hordhaca ah ee Congress-ka Mareykanka oo ay kula tartamaysay Xubin hore oo ka tirsan golaha deegaanka Minneapolis, Don Samuels. Ilhaan Cumar ayaa heshay 51 boqolkiiba codadka la dhiibtay ee doorashada. Halka Samuels uu helay 48 boqolkiiba. "Guusha caawa waxay...
Kenya: Goobaha codbixinta ayaa intooda badan haatan si rasmi ah loo xiray, balse cod bixinta ayaa lagu kordhiyay goobo yar yar oo sii furmaandoona illaa dadku ka codeeyaan. Codeyntan ayaa daba socota olole xooggan oo ay hareeyeen doodo ku saabsan shaqo la'aanta iyo musuqmaasuqa ka jira Kenya.Musharaxiinta ugu cad cad...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhigyo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaano hoostaga degmada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari kenya. Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa weeraray Saldhigyada deegaanada kala ah Waraabeeyo iyo Ilie oo labada ah deegaano ka mid ah magaalada Mandhera, waxaana...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay dalka Uganda ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Kampala ee Caasumadda dalkaas. Madaxweynaha oo garoonka diyaaradaha calaamiga ah ee Entebbe uu ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda Mudane Odongo...
Kooxda Daacish ee ku sugan Soomaaliya ayaa soo saartay muuqaal 25 daqiiqo soconayo oo ku qoran afka Amxaariga, kaasoo ay ku doonayaan inay ku qortaan dadka kasoo jeeda Itoobiya. Saddexdii muuqaal ee ugu dambeeyay ee ay sii daysay ISIS waxay dhammaantood ku qornaayeen luqado aan Carabi ahayn.Muuqaal 14-kii Juun ay...