Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaalkii ka socday Waqooyiga Itoobiya uu sii xoogaystay, kaddib markii sida la sheegay ay dagaalka kusoo biireen Ciidamada Eritariya oo garab siinaya kuwa Itoobiya.
Sida uu sheegay Afhayeenka TPLF Getachow Reda, Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritariya ayaa si wada jir ah waxay...
Wararkii u dambeeyay ee kasoo baxaya dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo Kooxda TPLF ayaa sheegaya in Militariga Itoobiya ay ka baxeen magaalada Kobo ee degaanka Axmaarada.
War saxaafadeed kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa lagu xaqiijiyay arrinkan, iyadoo dowladdu ay War saxaafadeedkan ku sheegtay inay xeelad dagaal uga baxeen magaalada...
War goor dhawayd kasoo baxay dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay go'aamisay inay qaadayso tallaabo lagu bar-tilmaameedsanayo goobaha ay ku sugan yahiin Kooxda TPLF.
Sidoo kale dowladda Itoobiya ayaa shacabka ka ag dhaw goobaha lagu tuhmi karo inay ku sugan yihiin kooxda TPLF, ugu baaqday inay ka fogaadaan,...
Madaxa Cafimaadka Aduunka Tedros Adhanom ayaa ka waramay xaaladda dhabta ah ee ka jirta gobolka uu isagu kasoo jeedo ee Tigray.
Tedros ayaa sheegay in dad wheladiisa ah oo ku dhaqan gobolka Tigray uusan la xiriiri karin, ogayna xaalad ay dadkaasi ku sugan yihiin hadda, isagoo yiri " Waxaan halkaas...
Diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya ayaa maanta duqaymo ka fuliyay magaalada Mekelle ee xarunta gobalka Tigray, sida uu baahiyay Telefishinka Tigray ee ku hadla afka Kooxda TPLF.
Duqeyntan ayay kooxda TPLF sheegeen in loogaystay goobo ay ku sugnaayeen dad shacab ah, iyagoo sidoo kale sheegaya in duqeyntani ay ka dhasheen khasaare...
Kooxda TPLF ee haatan gacanta ku haysa gobolka colaaduhu ragaadiyeen ee Tigray ayaa sheegtay in Ciidamada Militariga Itoobiya oo kaashanaya kuwa degaanka Axmaarada iyo maleeshiyaadka FANO ee degaanka Axmaarada ay saaka weerar kusoo qaadeen Koonfurta gobolka Tigray.
Warkan oo saaka lagu baahiyay Warbaahinta ay maamusho kooxda TPLF, ayaa lagu sheegay...
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Kooxda TPLF ay wado qorshe ah in dagaal uu mar kale ka qarxo gobolka Tigray, iyadoo marmarsiinyo ka dhiganaysa in dowladdu ay ka baxday wadahadalladii nabadeed, sida uu Warbaahinta u sheegay Wasiirka Warfaafinta ee Itoobiya Leggese Tulu.
Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in...
Dowladda UK ayaa ku dhawaaqday £2.3 milyan oo dheeri ah oo lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah taageerada dhinaca amniga ee Soomaaliya.
Safiirka UK ee Soomaaliya Kati Foster ayaa taageeradan dhaqaale kaga dhawaaqay kulan ay magaalada Muqdisho kula qaadatay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
UK ayaa dowladda Soomaaliya...
Dowladda Iran ayaa beenisay inay hub sharci darro ah oo lagu taageerayo Xuutiyiinta geysay dalka Yemen, hubkaas oo la sheegay in lasoo marsiiyo badda Soomaaliya, sida ay horey u sheegeen hay’adaha UNka iyo kuwo kale.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas, Nasser Kanaani ayaa si adag u beeniyay warkaas, isagoo...
Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday shacabka dalka Kenya iney muujiyaan deganaasho iyo dulqaad, maalin kadib markii la shaaciyay natiijada doorashada inuu ku guuleystay William Ruto oo noqonaya madaxweynaha shanaad ee dalkaasi Kenya, iyadoona natiijadaasi uu qaadacay Raila Odinga oo ahaa musharaxa tartanka adag la galay William Ruto.
Afhayeenka Wasaaradda arrimaha...


















