Friday, August 14, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wafdi xildhibaano ah oo ka socda baarlamaanka Uganda ayaa booqasho shaqo shan maalmood ah ku jooga Soomaaliya, si ay u qiimeeyaan doorka ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaysa guddoomiyaha guddiga Difaaca iyo arimaha gudaha ee Baarlamaanka, Rosemary Nyakikorongo, waxaa sidoo...
Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad ayaa ka tacsiyeeyay geerida Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Bakaal Kooke) oo ahaa Taliyihii NISA ee gobalka Gedo, kaas oo lagu dilay Qarax ka dhacay duleedka degmada Luuq. “Bakaal wuxuu shahiiday isagoo xaqa ku taagan, naftiisana u hibeeyay sidii dalka iyo dadka...
Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey in sare loo qaado dagaalka ka dhanka ah  Al-Shabaab,kadib wadahadal dhexmaray Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Itoobiya, Field Marshal Berhanu Jula. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay...
Hay'adda lacagta adduunka ee IMF ayaa warbixin cusub oo ay maanta soo saartay waxay ku sheegtay in dowladda Soomaaliya ay buuxisay dhammaan sharuudihii looga baahnaa, si looga cafiyo deymaha badan ee lagu leeyahay dalka. Hay’addu waxay warbixinteeda ku sheegtay in dowladda Soomaaliya ay horumar weyn ka sameysay hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha...
Kooxo hubeysan oo dhalinyaro ah ayaa toogasho ku dilay isku duwahii Wasaarada Caafimaadka degmada Buurhakaba ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, xili uu ku sugnaa Isbitaal kuyaala degmada Buurhakaba ee gobolka Baay. Dableyda ayaa toogashada ku dishay Allah u naxariistee isu duwahii wasaaradda Caafimaadka degmada Buurhakaba oo lagu magacaabi jiray Dr...
Warar dheeraad ah ayaa kaasoo baxaya dagaal xoogan oo saakay aroornimadii hore ku dhexmaray deegaanka Beerxaano ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey iyo kuwa Ururka Al-shabaab. Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisimaha ciidanka deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Beerxaano oo...
Isku duwaha gargaarka bini'aadantinimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ka digay wuxuu ugu yeeray xaalad degdeg ah oo masiibo ah oo ka jirta Soomaaliya oo ay sabab u tahay abaaraha soo noqnoqday. Xiriiriyaha ka hadlay kulan ay wada qaateen Qaramada Midoobay iyo Ururka Jaamacadda Carabta ayaa wuxuu sheegay in...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ciidamada xoogga dalka, kuwa Hirshabeelle iyo kuwa deegaanka uga mahad celiyay inay Shabaab ka xoreeyeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe. Madaxweynaha oo jeediyay khudbad bogaadin iyo dhiirri galin ah ayaa sheegay inay tahay guul ummadda Soomaaliyed usoo hoyatay in Shabaab laga kiciyo...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yılmaz, Siihayaha Xilka Danjiraha Norway ee Soomaaliya, Haakon Svane, ayaa la wadaagay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay dib u soo celinta wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland. Madaxweynaha ayaa xusay doorka fududeynta iyo isu soo dhaweynta...
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka gaarka ah ee guddiga Midowga Afrika ahna madaxa howlgalka ATMIS Souef Mohamed El-Amine. Raysal wasaare Xamse ayaa Danjire Souef kala hadlay arrimaha amniga, dadaalada dib u xureynta, xasilinta dalka iyo kaalinta ATMIS ee...