Friday, August 14, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa xabsiga dhigay Odayaal saakay saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado kuwaas oo ka soo laabtay deegaannada Alshabaab haysato ee Galmudug. Taliyaha Qeybta 21-aad ee ciiddanka xoogga dalka, General Xasan Jaamici oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay, odayaasha la xiray in loo gudbiyay Dhuusamareeb si sharciga loo horgeeyo. Sidoo...
Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay mid ka mid ah sadax wiil oo dhalinyaro ah oo fal tacadi ah ugu geystay degmada Baardheere ee gobolka Gedo gabar Soomaaliyeed oo 20 sano jir aheyd, islamarkaana Muqaal ay ka duubeen ku baahiyay baraha Bulshada. Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali...
Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ku qaabilay Wasiirka Difaaca dalka kenya Aadan Barre Ducaale oo halkaasi ku tagay booqasho iyo kormeer la xariira ciidamada Kenya ee qeybta ah howlgalka ATMIS. Labada masuul ayaa la sheegay in kulankooda ay...
Dowladda Iran ayaa sheegtay inay kalluumeysato u dhashay dalkeeda lagasii daayay Soomaaliya, ka dib wada xaajood iyo tallaabooyin ay qaaday Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran. Kalluumeysatadan ayaa dhammaantood ka soo jeeda magaalada dekedda ah ee Chabahar ee koonfurta dalkaas. 8-sano ka hor ayay kooxda Alshabaab ku qabsadeen biyaha caalamiga ah ee...
Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Daa’uud Aways Jaamac ayaa ka qeyb galay shirka Wasiirada Warfaafinta Ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhacay dalka Libya. Wasiirka ayaa khudbad uu shirkaan ka jeediyay, wuxuu kaga warbixiyay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan guulaha laga gaarey dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabab. Wasiirka ayaa ka sheegay...
Wasiirkii warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed, Ilyaas Cali Nuur ayaa caawa shaaciyay inuu iska casilay xilkiisii, sababa xiriira shaqaaqadii ka dhacday magaalada Baydhabo. Wasiir Ilyaas Nuur oo ku sugan magaalada Baydhabo, ayaa sheegay in uusan qeyb kasii ahaan karin maamul dadkiisa lagu dhibaateeyay. Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha Koonfur in uusan ixtiraamin waan...
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo Maanta kulan la qaatay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha dowladda Soomaaliya ayaa faray ilaalinta waqtiga shaqada dowladda ee shaqaalaha. Wuxuu sidoo kale faray agaasime walba in laga rabo kormeer joogta ah inuu ku sameeyo howlwadeenada Wasaaradda uu Agaasimaha ka yahay, islamaraakana uu...
Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa maanta dagan, kaddib markii shalay halkaasi uu ka dhacay dagaal khasaare weyn geystay oo dhex maray ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ee diidan muddo kororsiga. Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo saxaafadda la hadlay, ayaa ku baaqay in nabadda...
Taliska dowladda Mareykanka ee Afrika ayaa war uu soo saaray ku sheegay inuu duqeyn uu ka fuliyay gudaha Soomaaliya ku dilay lix ka tirsan Al-Shabaab, Jimcihii shalay. Weerarkan ayaa ahaa mid lagu fuliyay codsi uga yimid dowladda Soomaaliya. Marka loo eego qiimeyn horudhac ah oo uu sameeyay AFRICOM, ma jirto...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dagaalka ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa si adag u sheegay inaan la aqbali karin in waqtigaan la joogo dagaalo sokeeyo iyo kuwa lagu dhibaateynayo shacabka ay dhacaan deegaanada maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh...