Friday, August 7, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Qaraxaan ismiidaaminta ah oo goordhaw ka dhacay xerada ciidamada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho ayaa lasoo warinaya inuu geystay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh. Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu fuliyay nin isku soo xiray jaakada waxyaabaha qarxa,...
Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo ay isku aruursanayeen ciidamo ka tirsan kuwa Al-shabaab. Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa howlgalka xoogiisa ka fuliyay dhulka howd ka ee ku yaala deegaanka Cali seer oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Galcad...
Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u diiday hadal dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha dowladda Kenya, Willian Ruto, hadalkaas oo ku saabsanaa jiritaanka wadahadal u dhaxeeya labada dowladood oo ku saabsan muranka badda. Bishii Oktoobar 2021, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), oo ah tan ugu sarreysa ee U.N, ayaa soo...
Guddoomiyaha cusub ee uu saaka doortay Golaha Wakiilada Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon ayaa xaflad soo dhawayn ah loogu sameeya madaxtooyada Somaliland. Xaflada ayaa waxa kasoo qayb galay wasiiro, guddoomiyaha golaha guurtida, xildhibaano, dadkale oo caan ah, madaxda xisbiga Kulmiye, saraakiil ka socota ururada cusub iyo madaxwaynaha Somaliland Muuse...
Ururka Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay sii daayeen qaar ka mid ah gaadiidkii ku wajahnaa magaalada Baydhabo, kuwaas oo ay ku xannibeen degaano katirsan gobolka Baay. Warar ayaa sheegaya in gaadiidkan lagusii daayay, kaddib markii odayaasha dhaqanka ee koonfur Galbeed ay wada hadal la galeen saraakiil Shabaab ah, si...
The US Embassy in Somalia has announced plans to strengthen its military alliance with African countries, after a meeting with the Minister of Defense of Somalia, Abd Qadir Mohamed Noor and the Commander of the Armed Forces, Brigadier General Ibrahim Sheikh Muhyadeen. The discussions were about how to strengthen the...
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday qorsheyaal lagu xoojinayo isbaheysiga milateri ee ay la leeyihiin dalalka Afrika, kaddib kulan ay la qaateen Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, C/qaadir Maxamed Nuur iyo taliyaha Ciidanka Xoogga Sareeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxyadiin. Wada-hadallada ayaa ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa ammaanka Soomaaliya, iyadoo...
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax duhurnimadii Maanta ka dhacay magaalada Jowhar lagu dilay Sarkaal ka tirsana ciidanka dowladda hoose ee magaalada Jowhar. Sarkaalka qaraxa lagu dilay ayaa lagu magacaabi jiray Daahir Maxamed Kaanti, kaaso u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray...
Labada Musharax ee u tartamaya Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta xogeeyaha guud ee golaha u gudbiyay codsiyadooda musharaxnimo. Labada musharax ee hada tartanku dhexmarayo ayaa kala ah Cali Xaamud Jibriil oo xisbiga UCID ka socda, isla markaana maanta iska casilay xilka guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada iyo...
Madaxweynaha maamulka la baxay Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay waxyaabaha keenay iney is qabtaan isaga iyo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ee sababay in xilka qaadis lagu sameeyo. Cali Jeyte Cismaan ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha Hirshabeelle ay isku qabteen arrimo dhowr ah...