Friday, August 7, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

The Cabinet of Ministers of the Federal Government of Somalia has today approved the appointment of three members to be part of the board of the Central Bank, after a proposal from the Ministry of Finance of Somalia. The Deputy Prime Minister of Salah Ahmed Jama chaired the meeting today...
Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta kulankooda Todobaadlaha ku  ansixiyay magacaabista sadax xubnood oo ka mid noqonaya guddiga sare ee Bangiga dhexe, kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa shir guddoomiyay kulanka Maanta lagu ansixiyay magacaabista xubnaha kala ah...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinaayay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Xalay magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay qaar ka mid ah howlwadeenada Ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed. Kulankaan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa masuuliyiin kale oo ay ka mid ahayeen Wasiir ku...
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr tallaabo u jirta ka mid noqoshada Urur Goboleedka Bariga Afrika ee EAC, iyadoo Talaadadii doraad uu magaalada Nairobi ka furmay wadahadallo u dhaxeeya madaxda dalalka xubnaha ka ah EAC iyo koox ka socota Soomaaliya. Hogaamiyayaashan ayaa isugu jira khubaro ka kala socota todobada (7) dal ee...
Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah ay kaabiga ku hayaan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo kooxda Al-shabaab ku sugan yihiin in ka badan 15 sano. Ciidamada is garabsanaya ayaa doonaya iney saacadaha soo socda gudaha u galaan degmada Ceelbuur, sida uu warbaahinta u sheegay...
Puntland ayaa sheegtay in aysan waxba ka qusaynin go’aanka dowladda federaalka kasoo baxay, kaasoo lagu mamnuucay isticmaalka shabakadaha Tiktok, Telegram iyo 1XBET. Wasirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in go’aaanda kasoo baxay Dowladda federalka ay yihiin go’aano aan qusaynin shirkadaha isgaarsiinta Puntland. “Marka laga heshiiyo sharuucda iyo siyaasada, canshuuraha...
Afhayeenka ciidanka Boliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo Maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay weerar qarax ku bilaawday oo uu xigay dagaal toos ah oo Xalay ka dhacay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho. Afhayeen Doodishe ayaa sheegay in weerarka...
Kooxda Alshabaab ayaa xalay saqdii dhexe abbaare 1:40 am, waxay weeraro xooggan ku qaadeen dhowr xarumo dowladeed oo kuyaala degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. Goobaha ay weerareen kooxda Alshabaab ayaa waxay kala yihiin, Saldhiga Booliska, Xarunta Maamulka Degmada iyo laba goobood oo bar koontorool ah, kuwaas oo amniga laga sugo. Sida...
Waxaa Laga Maqlayaa Rasaas iyo Qaraxyo waaweyn Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dawlada iyo Dagaalamayaal Al-shabaab ka Tirsan oo Weerar gaadmo ah kusoo Qaadey Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir. Dagaalka ayaa Hugunka Rasaasta laga Maqlayaa Degmooyinka G/banaadir Waxaana goobjoogayaal aan La Xiriirney Noo Sheegeen in Argagixisada weerarka Soo Qaadey ay La...
Wasaaradda gaashaandhigga dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in howlgalka lagu xoreynayo degaanada Galmudug ay ka qeyb galayaan markii ugu horreysay, ciidamada cirka Soomaaliya oo ay adeegsanaya diyaarado dagaal. Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Gen, Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ay ciidamada Soomaaliyeed ay duqeynayaan xarumaha Alshabaab ay kaga sugan yihiin degaanada...