Friday, August 7, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Isku soo wada duuboo Madaxweynaha Somaliland iyo Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Waddani oo shir isugu yimi Qasriga Madaxtooyada ayaa ugu baaqay qaranka inay midoobaan, isla markaana ay taageero u fidiyaan Ciidamada Millateriga ah ee ka soo baxay jabkii lagu jabiyey Colaadda Laascaanood. . Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo shacabka la...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada. Shirkan oo ay mar kale ka maqan tahay Puntland, ayaa looga hadlayaa xaaladda amniga dalka, dhameystirka howlgalada dib u xoreynta, xasilinta deegaanada laga saaray Alshabaab iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah ee...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxay sheegeen inay ku guuleysteen inay iska caabiyaan weerar ay Al-shabaab kusoo qaadeen deegaanka Cowswayne oo dhawaan laga saaray. War lagu faafiyay warbaahinta ku hadasha afka Dowladda, ayaa lagu sheegay, iyagoo ciidamada helaya xogo sirdoo0n ah inay burburiyeen baabuur siday walxaha qarxa. Dowladdu waxay sheegtay inuu...
Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in haatan dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab uu ka socdo deegaanka Coosweyne oo qiyaas ahaan 20 KM u jirta degmada Ceel dheer ee gobolkaasi Galgaduud. Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab ay weerar...
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, ayaa sheegay in ay Dowladda Soomaaliya ka adkaatay Alshabaab, kadib markii gacanta lagu dhigay degmada taariikhiga ah ee Ceelbuur. Taliyaha ciidanka xoogga dalka, oo wareysi siiyay laanta VOA Somali, ayaa sheegay in ay si nabad ah kula wareegeen magaalada Ceelbuur, wuxuuna...
Madaxda xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa shacabka ugu baaqay in ay garab istaag u muujiyaan ciidamada millateriga. Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa shacabka ugu baaqay midnimo. "Waxaan shacabka Somaliland ee xariirta ah usoo jeedinaya in ay mid...
Taliyihii Guutada 12aad ee Ciidamada Somaliland ee aagga Maraagga ee bariga magaalada Laascood, ayaa la rumaysanyahay in uu kamid yahay askar ay saaka ciidamada SSC Khaatumo qabteen. Bootaan ayaa kamid ahaa saraakiisha ugu caansan ee ciidamada Somaliland ka dhex muuqday tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Laascaanood 8 billood ka...
Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa dadka deegaanka ay goordhaw la wareegeen gacan ku heynta degmada Ceelbuur, kadib markii halkaasi ay isaga baxeen dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab. Ciidamada is kaashanaya ayaa ka hor inta aysan gacanta ku dhigin degmada Ceelbuur waxaa uu dagaal culus...
SSC Khaatumo ayaa sheegtay in ay saaka guulo la taaban karo ka gaadheen dagaal ay la galeen ciidamada Somaliland, isla markaana ay la wareegeen aagga Maraaagga ee bariga Laascaanood. SSC Khaatumo oo warbixin kale kasoo saartay dagaalka saaka ka dhacay kaantaroolka bari ee magaalada Laascaanood, ayaa sheegtay, in ciidankeedu ay...
Dagaal xoogan ayaa saaka dib uga qarxay bariga magaalada Laascaanood, dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo ciidamada SSC Khaatumo. Qoraal kasoo baxay SSC Khaatumo ayaa lagu sheegay in ciidanka Somaliland uu weerar kusoo qaaday magaalada Laascaanood, iyaga oo adeegsanaya madaafiic iyo tikniko. "Maleeshiyada maamulka gooni u-goosadka ah ee Somaliland ayaa...