Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay eedo ka dhan ah Saraakiil ka tirsan hay'adda socdaalka iyo jinsiyada, xafiiska Hanti dhowrka guud ee qaranka iyo Wasaarradda Maaliyadda Soomaaliya.
Saraakiishaan eedeysanayaasha ah ayaa dhamaantood lagu soo oogay dacwado la xariira musuq maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.
Eedeysanayaasha...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusomareeb ku qaabilay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Atul Khare, oo booqasho shaqo ku yimid Soomaaliya.
Waxay ka wada hadleen arrimaha ku saabsan duullaanka militari ee ka dhanka ah Alshabaab, dhimista ciidamada ATMIS, iyo taageerada UNSOS ee ATMIS ee Soomaaliya.
War kooban oo...
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal Miletiri oo shalay ka dhacay deeegaanka Dumaaye ee gobolka Mudug in lagu dilay 167 xubnood oo Al-shabaab ah, kuwaas oo ay ku jiraan sadax horjooge, islamarkaana lagu dhaawacay 87 kale oo maleeshiyaad ah.
Howlgalkaan oo ay iska...
Kumanaan qoys oo horey uga barakacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa ku dhawaad 10 bilood kaddib dib ugu laabtay magaaladaasi, kaddib markii maamulka SSC-Khaatumo ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta amniga magaalada Laascaanood.
Inkastoo magaalada Laascaanood uu gaaray burbur aad u xooggan, haddana dadka ayaa bilaabay inay...
Madaxweynaha maamulka la baxay Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan oo ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa si faahfaahsan uga hadlay arrimo badan oo la xariira safarka madaxweynaha dowladda Fedaraalka, dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo go'aankiisa siyaasadeed.
Madaxweyne Jeyte ayaa sheegay in Maxaas uu maanta tagi doono madaxweyne...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horraysay qiray in ciidamada xoogga dalka ay kasoo baxeen furimaha dagaalka, kaddib dagaalkii ka dhacay degaanka Cawsweyne.
Madaxweyna oo xalay ka qeyb galayay kulan su’aalo lagu weydiinayay oo ka dhacay aaladda Twitterka, ayaa wuxuu sheegay in weerarkaas uu Dowladda kasoo gaaray saameyn...
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in duqayn lagu burburiyay saldhiggii kooxda Alshabaab ee Dumaaye oo hoos tagta Xarardheere.
Wasiir arrimaha gudaha, Mr. Fiqi, ayaa farriin uu soo bartiisa Facebook wuxuu ku sheegay in gebi ahaan uu basbeelay saldhigga la weeraray.
“Saldhiggii Khawaarijta ee Dumaaye oo hoos tagta...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo degmada Qoryooleey ku dhexmaray Ciidanka dowladda fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee ATMIS iyo ciidamo ka tirsan kuwa Al-shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii kooxda Al-shabaab ay dhowr jiho ka weerareen degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Warsaxafadeed kasoo...
Jabhada Gacanlibaax ayaa ku gacansaydhay in ay aqbasho heshiiskii siyaasadeed ee laga gaadhay khilaafka siyaasada Somaliland, iyo heshiiskii jabhada buurta lagaga soo dajinayay.
Hoggaamiyaha jabhada oo loo yaqaan Oofwareen ayaa sheegay in aanu cidna ka amarqaadanayn, isla markaana uu u qorshaynayo in uu weeraro madaxtooyada Somaliland iyo guriga madaxweyne Muuse...
Ra'isul Wasaarihii hore ee dowladda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa ku baaqay in dowladda Soomaaliya lagu taageero dagaalka ka dhanka ah Al-shabab, sida uu ku sheegay qoraal uu kusoo daabacay bartiisa Twitter.
“Al Shabab waa khatar jirta waana in aan garab istaagnaa dowladda dadaalka ay ugu jirto ciribtirka khatartan. Sida cad,...


















