Thursday, August 6, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

 Mareykanka ayaa $2 milyan oo dollar ku abaalmariyay Sanduuqa Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) si loogu xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. UNSOS waxay taageertaa Ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), si ay isaga kaashadaan howlgallada wadajirka ah ee...
 Madaxweynihii hore ee Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare,  ayaa ku eedeeyay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya , Cabdiqaadir Maxamed Nuur, inuu masuul ka yahay askartii iyo saraakiishii ku dhintay weeraradii ka kala dhacay magaalooyinka Galcad iyo Cowswayne. Maxamed Cabdi Waare, oo haatan ah ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan ilaalinta rayidka ee goobaha colaadaha,...
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Haruuse), ayaa xafiiskiisa si rasmi ah ugu soo dhaweeyay Marwo Karin Johansson oo ah Safiirka Midowga Yurub u soo magacawday Soomaaliya. Qoraal uu wasiirku kusoo qoray bartiisa twitter-ka ayaa u dhignaa sidan, “Waxaan nuqullo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Marwo Karin Johansson,...
Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka mid ah xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la aqbalo go'aamadii ay madaxda dhaqanku ka gaadheen khilaafkii doorashooyinka Somaliland. Waxa uu sheegay in xeer sheegaya in la qabto doorasho isasaar ah hore loo sameeyay lakiin markii danbe daaqada laga tuuray,...
Ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa howlgalo ay ka sameeyeen deegaanada Xiin tubaal iyo Ceel cali weyd oo ku yaala Koonfur Bari ee gobolka Galgaduud ku dilay xubno badan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab. Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada ay howlgaladaasi ku dileen 43 xubnood...
Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Somaliland ayaa guddi 11 xildhibaan ka kooban u saaray iswaafajinta xeerka doorashooyinka iyo soojeedintii madaxda dhaqanka ee khilaafka doorashada. Guddidan oo loo asteeyay in ay keento xeer doorasho oo waafaqsan isasaarka doorashooyinka madaxweynaha iyo ururada siyaasada, ayaa buuq ka dhexdhalisay golaha iyadoo xildhibaanada qaar ka biyo diideen...
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ku sugan dagmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay qorshaha safar uu shalay galinkii dambe ku gaaray Maxaas madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Wasiirka ayaa sheegay in safarka madaxweynaha dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud uu...
Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo cusub geysay jiidaha hore ee dagaalka, gaar ahaan bariga gobolka Galgaduud, kadib maalmo ay ciidamadaasi dib ugu gurteen deegaano ka tirsan gobolkaasi. Ciidamo gaaraya 1,500 oo askari ayaa loo diray gobolka, waxaana saraakiil ay horkacayaan xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka ay ku sagootiyeen ciidamadan magaalada xeebta...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhaw gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Ujeedka safarka madaxweynaha ee degmada Maxaas ayaa la xariirta sidii u halkaasi uga sii dardar galin lahaa dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee wali haysata qaar ka mid ah degmooyin...
Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay eedo ka dhan ah Saraakiil ka tirsan hay'adda socdaalka iyo jinsiyada, xafiiska Hanti dhowrka guud ee qaranka iyo Wasaarradda Maaliyadda Soomaaliya. Saraakiishaan eedeysanayaasha ah ayaa dhamaantood lagu soo oogay dacwado la xariira musuq maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne. Eedeysanayaasha...