Thursday, August 6, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Saraakiil sar sare ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo codsaday inaan magacyadooda la adeegsan, sababo la xariira inaan loo ogoleyn iney la hadlaan warbaahinta ayaa waxay sheegeen in dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay badashay xaaladii dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Waxay sheegeen saraakiisha in talaabadaan ay dowladda ku badeshay...
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in aroornimadii hore saakay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaanka Nuur Dugle. Weerarka ayaa la tilmaamay inuu ahaa mid ku bilaawday qaraxyo, kaasoo kooxda Al-shabaab ay ku qaaday fariisin ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ku...
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa ku adkaystay inay sharci tahay shaqo joojintii uu ku sameeyay wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Galmduug, Cabdi Waayeel. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ka hor yimid shaqo joojintaan, isagoo ku tilmaamay mid sharci darro ah oo ka hor imaanaysa dastuurka Galmudug iyo...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday in la xirxiray qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo ku eedeysan iney ka dambeeyeen in ciidamada dowladda isaga soo baxaan furimaha hore ee dagaalka. Madaxweyne Xasan Sheekh...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa Duhurnimadii Maanta gaaray degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Ujeedka safarka madaxweynaha uu maanta ku tagay degmada Aadan yabaal ayaa Madaxtooyada Soomaaliya waxay ku sheegtay inuu la xariiro u kuur...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa howdka koonfurta gobolka Mudug ka raadinaya kooxda Shabaab oo halkaas ku dhuumaalaysanaysa. Saraakiisha ciidanka oo la hadlay warabahinta ayaa waxay sheegeen inay gacanta kusoo dhigeen dhowr kamid ah Shabaab ku dhuumanayay howdka, kuwaas oo ay tilmaameen inay ciidanku ku sameeyeen go’doomin. Saraakiisha...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa maanta heshiis is afgarad ah la gaaray siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Xawaadle. Heshiiska dhexmaray madaxweyne Xasan Sheekh, siyaasiyiinta iyo dhaqanka Beesha Xawaadle ayaa la xariira in loo midoobo dagaalka...
Kooxda Alshabaab ayaa sii deysay muuqaal ay ku muujinayaan askari katirsan howlgalka ATMIS oo kasoo jeeda dalka Uganda, kaasoo ka codsanaya Madaxweynaha Uganda in laga wada xaajoodo sii deyntiisa. Kooxda Alshabaab ayaa askarigan ku qabtay weerarkii bishii may ee sanadkan ka dhacay magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellada hoose. Weerarkaas...
 Mareykanka ayaa $2 milyan oo dollar ku abaalmariyay Sanduuqa Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) si loogu xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. UNSOS waxay taageertaa Ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), si ay isaga kaashadaan howlgallada wadajirka ah ee...
 Madaxweynihii hore ee Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare,  ayaa ku eedeeyay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya , Cabdiqaadir Maxamed Nuur, inuu masuul ka yahay askartii iyo saraakiishii ku dhintay weeraradii ka kala dhacay magaalooyinka Galcad iyo Cowswayne. Maxamed Cabdi Waare, oo haatan ah ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan ilaalinta rayidka ee goobaha colaadaha,...