Thursday, August 6, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay ka tacsiyeysay musiibada ka dhalatay dhul gariirka ku dhuftay dalka Morroco, kaas oo cabirkiisa lagu qiyaasay 7.2 Richter. Fiidnimadii xalay gobollada iyo maamullada Al Haouz, Marrakesh, Ouarzazate, Azilal iyo Chichaoua, iyo Taroudant ee Morroco, ayuu ku dhuftay dhul gariiskaan oo ay ku dhinteen in ka badan 800...
Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa waxay iska fogeeyeen duqayn geysatay khasaare dhimasho iyo dhaawaca oo kasoo gaartay dad rayid ah. Duqeyntan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lagu dilay shan qof oo rayid ah iyo saddex ka tirsan horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegeen hoggaamiyayaal katirsan...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo xalay ka dhacay degmada Bardaale ee gobolka Baay, kadib markii xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen gudaha degmadaas. Dagaalka dhexmaray labada dhinac ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka...
Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xalay duqeymo ay ka geysteen diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya deegaano hoostaga degmada Ceelwaaq. Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa lasoo warinaya in duqeymaha Xalay ay ku garaaceen deegaanada kala ah Khadiijo Xaaji iyo Faxfax dhuun oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelwaaq...
Dowladda fedaraalka Soomaaliya ayaa shaacisay in tiradii ugu badneyd oo ka tirsan kooxda Al-shabaab iney isku soo dhiibeen ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya. Agaasimaha xarunta Qaran ee ka hortaga iyo la dagaalanka fikradaha xagjirka ah ee Tubsan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in labadii bilood ee lasoo dhaafay ay si aad...
Dowladda Canada ayaa wada qorshe ay dalkeeda uga soo masaafurineyso dhalinyaro Soomaali ah oo ay sheegtay in si sharci daro ah kusoo galeen dalkeeda. Dhalinyaradaan Soomaaliyeed ee Canada ay soo masaafurineyso ayaa la sheegay in tiro ahaan ay ka badan yihiin ilaa 150 ruux oo dalkaasi ku galay aqoonsiyo kala...
Hoggaamiyaha maamulka la baxay Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay heshiiskii degmada Maxaas ay ku wada gaareen Beesha Xawaadle iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda Fedaraalka iyo qeybaha kala duwan ee Beesha Xawaadle ay ka wada hadleen laba...
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa markii ugu horeysay taariiqda heshiis kala saxiixday dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya. Heshiiskaan ay Muqdisho ku kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ah heshiisyo iskaashi oo xoojinaya xiriirka labada wadan gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, Waxbarashada, Amniga iyo la dagaalanka kooxda Al-shabaab. Wafdi uu hoggaaminaayay...
Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa kulan gaar ah ka yeeshay qaraarka miiska u saaran ee Dhuxusha Soomaaliya oo ay horay Qaramada Midoobay ugu soo rogtay cunaqabateyno kala duwan. Golaha Ammaanka Qaramada Modoobay ayaa qaraar cusub kasoo saaray Dhuxusha Soomaaliya, kadib markii dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay 14-kii bishaan codsi u dirtay...