Thursday, August 6, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa goordhaw si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Ceel garas ee gobolka Galgaduud. Ciidamada is garabsanaya ayaa la tilmaamay in si nabad ah kula wareegeen deegaanka Ceel garas, kadib markii halkaasi saacado ka hor isaga baxeen kooxda Al-shabaab. Wararka waxay...
Taliye ku xigeenka ciidanka Lugta xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullaahi Aaden Xuseen Ciro oo ka hadlay howlgalada ka dhanka kooxda Al-shabaab ayaa ugu baaqay  Shacabka Soomaaliyeed iney ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab. Jenaraal Ciro ayaa sheegay in qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka...
Hoggaanka Amniga ee dowlad degaanka Soomaalida Dayib Axmed Nuur oo la hadlayay Warbaahinta ayaa ka hadlay weerar ay dablay hubaysani kusoo qaadeen gudaha degaanka Soomaalida, dablaydaas oo la sheegay inay kasoo tallaabeen dhinaca Soomaaliya. Hoggaanku waxaa uu ugu horreyn xusay in ka xukuumad ahaan ay ka xun yihiin weerarkaas, "...
Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada xoogga dalka oo garab ka helaya dadka deegaanka ay ku guulaysteen inay iska caabiyaan weerar Shabaab kusoo qaadeen degmada Bardaale ee gobolka Baay. War kooban oo kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in iska caabinta lagu dilay hogaamiyihii kooxda iyo maleeshiyaad kale...
Jahhada buurta Gacanlibaax ayaa baabuur ay leedahay Wasaarada Biyaha Somaliland kasoo afduubtay degmada Dhoqoshay ee gobolka Togdheer, waxayna sheegeen in ay weeraro kale qaadi doonaan. Muuqaal ay iska soo duubeen kadib markii ay baabuurka la yimaadeen buurta Gacanlibaax, ayay Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ugu baaqeen in ay iscasilaan,...
Kooxa Alshabaab ayaa dab qabad siiysay oo gubtay tuulooyin dhowr ah oo kuyaala gobolka Shabeellada hoose, sida ay  sheegeen masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya. Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Cali Xaaji Jaamac oo ka hadlay arrintaan ayaa  cambaareeyay dhacdadan, isagoo ku tilmaamay fal wuxuushnimo ah oo ay Alshabaab kula diririyaan nolasha aasaasiga ah...
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe ayaa gaaray degaanka Nuur dugle ee gobolka Shabeelle dhexe, halkaas oo maalmo ka hor ay Shabaab weerar kusoo qaadeen, inkastoo ciidanka degaanka iska caabiyeen. Madaxweyne Cali Guudlaawe oo la hadlay boqolaal kamid ah ciidanka Mucaawisleyda degaanka Nuur-Dugle, ayaa wuxuu kula dardaarmay in looga baahan yahay...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qaraxyo ku bilaawday oo kooxda Al-shabaab aroornimadii hore ee saakay ay ku qaaday saldhiga ciidanka dowladda ay ku leeyihiin degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose. Weerarka ayaa la sheegay in kooxdu ay ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kadibna uu xigay...
Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay lacag gaareysa 10 milyan oo dollar oo lagu abaal marin doono cidii soo sheegta halka uu ku sugan yahay hoggaamiyaha Alshabaab, Axmed Diiriye Cali oo sidoo kale loo yaqaan Abuu Cubeyda. Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa war-saxaafadeedka ay soo saartay ku sheegtay in Abuu Cubeyda...
Waxaa maanta magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan lagu soo bandhigay gaadiid dagaal iyo ciidamadii ugu badnaa oo loo diyaariyay dagaalka lagu soo afjarayo meelaha ay kaga sugan yihiin kooxda Al-shabaab gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe. Goobta lagu soo bandhigay gaadiidka dagaal iyo ciidamada ayaa waxaa ku wada sugnaa masuuliyiin...