Madaxweynaha maamulka Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan ayaa deegaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Al-shabaab.
Madaxweyne Jeyte ayaa kaga dhawaaqay dagaalka Shabaab kulan duco ah oo magaalada Teedaan loogu sameeyay dadkii ku shahiiday dagaaladii Al-shabaab looga xureeyay deegaanada dhaca Bariga Hiiraan oo uu hormuud...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu kulan kula qaato dalka Jabuuti Xoghayaha Gaashaandhiga dowladda Mareykanka Lloyd Austin.
Kulanka labada masuul dhexmarey ayaa wararka soo baxaya waxay sheegayaan inuu yahay mid daaran sidii dowladda Mareykanka ay Soomaaliya u siin laheyd taageero Militari...
Wararka ka imaanaya degaanada Dhagaxdheer iyo Daaday oo hoos taga degaanka Caad ee gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal ka socdo ka dib markii Ciidanka xoogga, daraawiishta Galmudug iyo xoogagga difaaca Shacabka ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen goob Shabaabku isku aruursaneyeen.
Dagaalka oo ka socda dhulka...
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka hadlay qarax Ismiidaamin ahaa oo khasaare badan geystay oo Shalay ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne.
Raysal wasaare Xamse ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay qaraxa, isagoona eebe uga baryay kuwa dhaawaca ah inuu bogsiiyo.
Xamse Cabdi Barre...
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerar lagu qaaday goob kutaala magaalada Ceelbuur oo ay ku shirsanaayeen Horjoogeyaal Alshabaab ah, halkaas oo lagu dilay tiro horjoogeyaal ah.
Warka dowladda kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Alshabaab ay howlgalkaasi ay ku waayeen Horjoogayaal uu ku jiray madaxii maaliyadda kooxda Alshabaab ee gobolka...
Waxaa sii kordhaya khasaaraha uu geystay qarax Ismiidaamin ahaa oo shalay duhurkii ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ruuxii waday gaariga uu is qarxiyay markii lagu celiyay barkoontarol oo ku taala...
Madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay aqalka Madaxtooyada maamulka Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb guddoomiyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole oo maanta gaaray Dhuusamareeb.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guddoonada labada Aqal Sheekh Aadan Madoobe, Cabdi Xaashi...
Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa digniin u dirtay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool koonfurta dalka, iyadoo uga digtay khatarta duufaanta ElNino ee ka dhalan kara roobabka xooggan ee la filayo.
Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay, in saadaasha hawada ay muujinayso...
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo magaalada New York ee dalka Mareykanka kaga qeyb galaya shirka guud ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa halkaasi kulamo kula qaatay qaar ka mid ah madaxda ka qeyb galaysa shirka.
Raysal wasaare Xamse ayaa madashada shirka uu ka...
Wafdi ay hoggaaminayaan guddoomiyahaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehlinayaan Xildhibaano ka tirsan labada gole ayaa goordhaw ka degay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.
Wafdiga guddoonka labada Aqal ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha...


















