Thursday, August 6, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo culus oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud. Ciidamada is kaashanaya ayaa howlgal qorsheysanaa oo ay Shalay galinkii dambe ka sameeyeen deegaanka Bulacle ee gobolka Galgaduud ku dilay 3 xubnood...
Taliska ciidanka Booliiska magaalada Baledweyne ayaa shaaca ka qaaday in qaraxii ka dhacay Baledweyne 23-kii bishaan loo soo xiray askari ka tirsan ciidanka dowladda. Taliyaha ciidanka Booliiska degmada Baledweyne Axmed Cali Aadan ayaa VOA-da u sheegay iney xabsiga dhigeen askarigii ku qornaa koontaroolkii uu kasoo gudbay gaarigii ku qarxay Sabtigii...
Dowladda Mareykanka ayaa taageertay go’aanka ay dowladda Soomaaliya u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo ah in dib loo dhigo bixitaanka ciidamada Midowga Afrika (ATMIS) saddex bilood. Sii hayaha safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Shane Dixon oo wareysi gaar ah siiyay mid kamid ah warbaahinta gudaha ee dalka, ayaa sheegay...
Wararka ka imaanaya degmada Dooloow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta uu  dagaal ku dhexmaray gudaha degmada ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya iyo kuwa Militariga dalka Itoobiya. Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii ciidamada Itoobiya ay ku amreen ciidan Booliis ah oo ku sugnaa barkoontarool oo ay...
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Xaraardheere ee gobolka Mudug, ayaa gacanta ku dhigay Cismaan Maxamuud Barre oo 17 jir ah oo katirsan kooxda Alshabaab. Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay, in ninkan dhallinyarada ah loosoo diray, si uu u sahmiyo waddooyinka fudud iyo meelaha laga soo gelin karo...
Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay inay shanta Octobar tagayaan magaalada Baydhabo, iyagoo ka duulaya heshiiskii lagu gaaray magaalada Baydhabo ee ku saabdanaa jadwalka doorashada maamulka Koonfur Galbeed. Proff. Jawaari oo hoggaaminayay wafdi siyaasiyiin ah oo uu kamid tahay madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, ayaa sheegay...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ku bilaawday oo kooxda Al-shabaab ay ku qaaday galinkii dambe ee Shalay deegaano laga difaaco magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa madaafiicda kadib weerar toos ah ku qaaday Saldhigyada ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ku...
Golaha Dhexe ee maamulka SSC-Khaatumo ayaa maanta si aqbaliyad leh codka kalsoonida u siiyey Xoghayeyaasha Golaha Fulinta, kuwaas oo uu 12kii september magacaabay hoggaamiyaha SSC- Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali. Codka kalsoonida markii la siiyay kaddib, ayaa  la dhaariyey Xoghayeyaasha iyada oo ay goobjoog wada ahaayeen Hoggaamiyaha, Ku xigeenka hoggaamiyaha iyo...
Guddoomiyaasha labada Aqal ee Barlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa si wadajir ah u magacaabay guddiyo cusub. Guddiyada cusub oo ay magacabeen labada guddoomiye ayaa ah kala ah guddiyada saaxiibtinimada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya u qaabilsan Baarlamaanada dalalka Qadar iyo Kuwait.Guddiga saaxiibtinimada Baarlamaanka Fedaraalka...
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in u jeedka ay ula furtay wadahadaladii mudada socday Soomaaliya anay ahayn, in dib loo mudoobo ee ay tahay in lagu kala tago. Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in mawqifka Somaliland ee wadahadaladu uu yahay in Somaliland iyo Soomaaliya ay ku...