Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, ayaa racfaan ka qaatay xukunnadii maxkamadda gobolka Banaadir kasoo baxay, kaasoo dambi loogu waayay qaar kamid ah masuuliyiintii lagu eedeeyay musuq maasuqa iyo ku tagri fal awoodeed.
Qoraal kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa lagu sheegay, inuu xafiisku isku dubariday racfaanka uu ka qaatay...
Wasiirka gaashaandhiga dowladda Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in dowladda Kenya ay meel kaste ku bartilmaameedsan doonto shaqsiyaadka maalgeliya kooxda Al-Shabaab.
Wasiirka gaashaandhigga Kenya ayaa sheegay in kooxda Alshabaab ay kordhisay dhaq-dhaqaaqyada ay dalka Kenya ka wadaan, isagoo sheegay in laga adkaan doono kooxaha carqalada ku ah ammaanka dalka...
Dadka ku nool degmooyinka Kaxda, Wadijir iyo Dharkeenley ee magaalada Muqdisho ayaa saakay aroortii hore mar qura kuso toosay dhawaqa madaafiic ku dhaceysa qaar ka mid ah xaafadaha degmooyinkaas.
Madaafiicdaan oo jugtooda si weyn looga maqlay degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Baanadir ayaa lasoo warinaya in qaarkood ay geysteen...
Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa lagu soo waramayaa in ay Madaafiic ku garaaceen deegaano ka tirsan gobolka Baay oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Dadka deegaanka ee ku dhaqan magaalada Diinsoor ayaa sheegay in ay maqleen qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay degmada...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda gobolka Galgaduud ku qaabilay guddoomiyaashii hore ee Golaha Shacabka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee kasoo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xubnahaa siyaasiyiinta ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa galinkii hore ee maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, kuwaas...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal gabal dhacii maanta ku dhexmaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ciidamada dowlada, gaar ahaan guutada Cali Bin Abii Dhaalib ee xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii askari ka tirsan ciidanka Cali Binu Abii Dhaalib uu si bareer...
Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah xukun dil toogasho ah ku riday laba nin oo la sheegay iney ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab, kuwaas oo dilal ka geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Labada nin ee Maxkamadda sare xukunka toogashada ah ku...
Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaan Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Maxamed Laftagareen inuusan diyaar u ahayn inuu la dagaalamo Alshabaab.
Guddoomiye hore Mursal, wuxuu sheegay madaxweyne Lafta Gareen muddo hal sano oo loogu daray muddo xileedkiisa oo la rabay inuu la dagaalamo Alshabaab, in...
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay in muddo hal bil ah dib loo dhigay dhimista 3,000 askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika, iyadoo ay socdaan wada xaajoodyo u dhaxeeya Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya.
Golaha ammaanka ayaa ugu yeeray howgalka ATMIS inuu ku shaqeeyo waajibaadka Midowga Afrika.
Golaha...
Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in ay ku abaalmarinayso lacag dhan 5 milyan oo dollar qofkii soo sheega Abuukar Cali Aadan oo ah ku xigeenka hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab.
“Illaa $5 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah ayaa lagu bixinayaa si loo helo Xog ku saabsan Abuukar Cali Aadan. Naga caawi...


















